Itoobiya oo xabsiga dhigtay la suxufi oo Sweden u dhashay
Adis Ababa Dec 22,2011(qurbejoog.com)-Maxkamad ku taal dalka Itoobiya ayaa shalay laba suxuufi oo u dhashay dalka Sweden ku heshay denbi la xidhiidha argegixisonimo ka dib kolkii ay dalkaa sharci daro ku galeen.
Labada Suxuufi ayaa dhici karta in denbigaa ay ku kasbadaan xadhig 15 sanadooda.
Suxuufiyiintan reer Sweden ayaa kolkii la qabanayay la socdey xubno ka tirsan jabhada ONLF oo dagaal kula jirta dawlada Itoobiya.
Suxuufiyiinta ayaa isku difaacay in ay xilaga la qabtay ay ku gudo jireen ururinta xog la xidhiidha colaada degaanka Soomaalida ee Itoobiya.
Hase yeeshee xaakim Shemsu Sirgaga ayaa sheegay in taasi dhab aheyn oo ay jabhada ONLF ragan soo kexeysay si markaa loo baahiyo xogtooda.
Ciidamada Itoobiya ayaa lix bilood ka hor qabtay Johan Persson iyo Martin Schibbye xili ay dagaal kula jireen jabhada ONLF aag ku dhaw xadka Soomaaliya oo suxuufiyiinta ka mamnuuc ah.
Madaxa ururka midawga suxuufiyiinta ee dalka Sweden Jonas Nordling ayaa canbaareeyay xukunka ku dhay labada suxuufi.
“waa xukun siyaasadeed ,mana jiraan wax cadeymo ah oo muujinaya in ay galeen denbi argagixisonimo”ayuu yidhi Jonas Nordling.
Waxa uu intaa raaciyay in xukunkan looga gol leeyahay in suxuufiyiinta lagu baqo geliyo si aaney uga waramin xadgudubyada halkaa ka dhacaya.
Qurbejoog-Adis Ababa