|

Itoobiya oo weerartay xarun ciidan oo ku taal guddaha Eritrea

Adis Ababa Mar 15,2012(SDN)-Dawlada dalka Itoobiya ayaa sheegtay maanta in ay hawlgal ka fulisay guddaha dalka Eritrea oo ay ku eedeysay in ay taageereyso kooxo mucaarida oo dalkeeda weerara.

Afhayeen u hadlay dawlada Itoobiya Shimeles Kemal ayaa sheegay in ciidamadoodu weerar ku qaadeen xero uu shaaegay in lagu tababarayo ciidamada Mucaaridka Itoobiya.

Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in ciidamadoodu ay dib xeryahoodii ugu noqdeen ka dib hawlgalkaa ay qaadeen.

Dawlada Itoobiya ayaa sheegtay in dad ajaanib ah oo qaarna la laayay qaarna la kexeystay ay ka danbeeyeen kooxahan mucaaridka ah ee ku dhuumaaleysanaya Eritrea.

Dawlada Eritrea ayaan ilaa iyo haatan wax war ah ka soo saarin dhacdadan u danbeeysay ee lagu weeraray xeryaha ciidan ee dalkeeda ku yaal.

SDN-Adis Ababa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed