|

Itoobiya oo u jawaabtay Soomaaliya

Addis Ababa July 27, 2024(QJ) -Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay iska fogeysay eedeymo uga timid dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan hubkii dhawaan lagu bililiqeystay magaalada Caabudwaaq.

War saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay si dhow ula socoto hadalada kicinta ah ee dhawaan ka soo yeeray dowladda Soomaaliya.

Itoobiya ayaa ku andacootay in dhammaan eedeymaha uga imaanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ay Itoobiya si hagar la’aan ah ugu shaqeyneysay muddo ka badan Soddon sano si ay u taageerto xasilloonida iyo dadaallada dib u dhiska Soomaaliya.

Hadalkan kasoo yeeray dowladda Itoobiya ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu aad u xumaaday tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkii 2024-kii, kaddib markii ay Addis Ababa ku heshiiyeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Heshiisku waxa uu ahaa in Itoobiya ay hesho qaybo ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya si ay Itoobiya ugu aqoonsato Somaliland dal madax-bannaan.

Comments are closed