Itoobiya oo shan ruux u qabatay Qarax fashilmay bishii Octobar ee ina dhaaftay
Adis Ababa Dec 20,2013(SDN)-Ciidamada amaanka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen shan ruux oo qeyb ka ahaa qorshe la doonayay i algu qarxiyo garoonka Kubedda cagta ee Adis xili ay ciyaari ka socotay.
Qarxaa ayaa fashilmay ka dib kolkii qaruxu si kama u dhacay halkaana ay ku geeriyoodeen laba ka mida ragii qaraxa qorsheynayay.
Dhacdadaa oo lagu beegay bishii Octobar ee ina dhaaftay xilgaa oo kooxda kubedda cagta ee qaranka Itoobiya ay ciyaar la laheyd dalka Nigeria.
“Qorshuhu waxa uu ahaa in ragani ay walxaha qarxa ku weeraraan aaga hore ee garoonka iyo rug ganacsi oo ku dhaw ka dibna ay isku miidaamiyaan guddaha Garoonka”.sidaa waxa lagu sheegay qoraal ay soo saareen ciidamada amnaaka Itoobiya oo laga akhriyay TV-ga dalkaasi.
Sidoo kale ciidamada amaanku waxa kale oo ay sheegeen in raga qorshahan waday ay gebigoodu yihiin Soomaali ka mid ah kooxda Al Shabaab.
Itoobiya ayaa bilihii ina dhaafay ciidamadoodu waxa ay heegan ugu jireen sidii ay uga feejignaan lahaayeen weeraro Shabaabku ugu goodiyeen.
SDN-Adis Ababa
contact@somalidiasporanews.com