|

Itoobiya oo noqoneysa dalka u horeeyay ee aqoonsada Somaliland

Addis Ababa June 17, 2024(QJ)-Dawladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay doonayso inay fuliso heshiiskii ay hore u kala saxeexdeen Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya, kaas oo ahaa in Itoobiya aqoonsato Somaliland, ka dibna ay siiso deked iyo saldhig ciidan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dawladda federaalka Itoobiya, Tarekegn Bululta, ayaa sheegay in Itoobiya ay noqonayso dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada maamulka isku magacaabay Somaliland.

Warsaxaafadeed uu wasiirku soo saaray ayuu ku sheegay inuu ku kalsoon yahay in dalkiisu uu dhawaan aqoonsan doono qaranimada Somaliland, taas oo muujinaysa inay diyaar u yihiin inay fuliyaan qodobbadii ay hore ugu heshiiyeen labada dhinac.

Wasiir Tarekegn Bululta waxa kale oo uu xusay in madaxda dawladda Itoobiya la saaxiibka kala ah dhinacyada dhaqaalaha iyo ciidamada ay garwaaqsan doonaan go’aanka ay Somaliland ku aqoonsanayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeeda damaca Itoobiya ee ah in ay hesho dhul badeed ay Soomaaliya leedahay, waxaana dowladdu hore u qaaday tallaabooyin diblumaasiyadeed oo ka dhan ah heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland.

Comments are closed