|

Itoobiya oo loo ogolaaday ka mid noqoshada hawgalka AUSSOM

Muqdisho (QJ) -Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa wada gaaray heshiis ku saabsan in ciidamada Itoobiya ay ka qeybgalaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Arrintan ayaa daba socota booqasho ay shalay magaalada Muqdisho ku tageen taliyaha guud ee ciidamada difaaca qaranka Itoobiya Jeneraal Birhanu Jula iyo agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka Itoobiya Ridwaan Xuseen.

Waxa ay la kulmeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Odowaa iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe. Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey in la dardargeliyo fulinta heshiisyadii hore ee dhanka militariga, kor u qaadida iskaashiga amniga ee labada dal, iyo in la horumariyo xasiloonida gobolka.

“Labada dhinac waxay isla garteen in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS) ay tahay awoodda kaliya ee ka jirta Soomaaliya, iyadoo la dhowrayo qarannimada iyo midnimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen labada dhinac.

Booqashada wafdiga Itoobiya ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda Soomaaliya ay doonayso in ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobollada xuduudka ah lagu bedelo ciidammo u gaar ah, kaddib xiisado colaadeed oo dhawaanahan u dhexeeyay labada dal.

Comments are closed