Itoobiya oo laba suxuufi oo u dhashay Sweden xabsi dheer ku xukumay
Adis Ababa Dec 27,2011(qurbejoog.com)-Maxkamad ku taal dalka Itoobiya ayaa maanta xabsi 11 sanadood ah ku xukamay laba suxufi oo dalkaa lagu qabtay iyaga oo la socda jabhada ONLF.
Kooxa u dooda xuquuqda suxufiyiinta ayaa hore u dhaleeceeyay xadhiga warfidiyeenadan.
Xaakim Shemsu Sirgaga ayaa xukunkan adag ku riday labadan suxufi Johan Persson iyo Martin Schibbye ka dib kolkii ay maxkamadu todobaadkii hore ku heshay denbi la xidhiidha argegixisonimo.
Ciidamada Itoobiya ayaa qabtay ragan mar ay ka soo talaabeen xadka Soomaliya iyo Itoobiya.
Wasaarada Arrimaha Dibedda ee dalka Sweden ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xukunka Itoobiya
“Waa goaan aanu fileynay laakiin waa mid laga xumaado”ayuu yidhi afhayeenka wasarada arrimaha dibedda ee Sweden Andre Jorle.
Qareenka labadan suxuufi Thomas Olsson ayaan wax war ah ka soo saarin goaanka,balse aan ku qanacsaneyn goaanka maxkamada.
Waxaanu warbaahinta Sweden u sheegay in racfaan ay ka qaataan xukunkan ay qaadan karto ilaa laba sanadood.
Indhaha caalamka ayaa si gaara u eegayay halaka ay dacwada labadan suxuufi ku danbeyso,iminkana waxa biloowdey dhaleeceynta xukunkooda.
Qurbejoog-Adis Ababa