|

Itoobiya oo ka hadashay la dagaalanka Al Shabab

Addis Ababa November 16, 2024(QJ) -Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sii wadi doonto dadaalada lagu wiiqayo awooda Al-Shabaab.

Danjire Nebiat Getachew, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, ayaa ku nuux-nuuxsaday doorka muhiimka ah ee Itoobiya ay ka qaadaneyso yareynta khatarta Al-Shabaab ee gobolka.

“Al-Shabaab weli walaac ayay ku hayaan amnigeena qaranka, dadaallada looga hortagayona waa ay sii socon doonaan xaalad kasta si looga hortago in ay khatar ku noqdaan amniga gobolka,” ayuu yiri Nebiat Getachew.

Nebiat ayaa sidoo kale xusay in maadaama Itoobiya iyo Soomaaliya ay yihiin deris aan laga maarmi karin, Itoobiya ay sii wadi doonto fulinta aragtideeda istaraatiijiyadeed ee lagu xoojinayo isdhexgalka gobolka mustaqbalka fog.

Hadalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa daba socday hadal ka soo yeeray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur oo sheegay in Itoobiya aysan ka qeyb qaadan doonin howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Wasiirku waxa uu ku dooday in heshiiska ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland uu wax u dhimayo qarannimada iyo midnimada Soomaaliya.

Xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa xumaaday ka dib markii Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxeexdeen heshiis is-afgarad ah 1-dii January 2024-ka.

Isfahankaas oo ujeedadiisu tahay in Itoobiya loo fududeeyo dhinaca badda si ay u aqoonsato madax-bannaanida Somaliland.

Comments are closed