Itoobiya oo ka Hadashay Dagaal Qadhaadh oo ay la Gashay Kooxda Alshabaab
Muqdisho 14.June 2015 (SDN/QJ)- Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horraysay ka hadashay dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay deegaanno ka tirsan gobolka Bay.
Taliyaha ciidamada Itoobiya ee gobollada Bay iyo Bakool Col. Yemane Gabremichael ayaa xaqiijiyay in weerar xooggan uu uga yimid xarakada Al Shabaab xilli ciidankoodu ku socdaalayeen duleedka degmada Buurhakaba.
“Weerar xooggan ayay Shabaabku ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidanka Itoobiya oo gaadiid gargaar gelbinayay”ayuu yidhi Col Yemane Gabremichael.
Taliska ciidanka Itoobiya wuxuu ka gaabsaday in uu sheego khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaadhay dagaalladii Jameeco iyo Buurhakaba balse wuxuu xaqiijiyay in weerar xooggan ay kusoo qaadeen xoogagga Al-Shabaab.
Ku dhawaad 100 askari oo Itoobiyaan ah ayaa la sheegayaa in lagu dilay weerarradii gobolka Bay ka dhacay deggaanada Jamaaco iyo duleedka magaalada Buurhakaba.
Muqdisho SDN/QJ