|

Itoobiya oo Joojisay Raashinkii LC ahaa ee dhanka Somaliland ka Geli Jiray iyo Xidhiidhkii Ganacsi ee labada dal oo Caqabadi la soo deristay

Jig Jiga 21.May 2015 (SDN/QJ)Warqad amar ah oo ka soo baxday todobaadkan xafiiska Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (Ina Ilay) ee Xaruntiisa Jigjiga ayaa lagu sheegay inay Itoobiya joojisay gabi ahaanba raashinkii Lc-ga ahaa ee Somaliland ka soo gali jiray waxaanu si toos ah oo cadaan ah u amray xafiisyada dawladiisa ee Xuduudaha Somaliland la wadaagto inaan la arki Karin wax raashin ah oo dhinaca Somaliland uga soo talaabaya arintaasi oo fajiciso ku riday dhamaan ganacsatadii reer Itoobiyo iyo Somaliland ee sifaha sharciga waafaqsan ugu kala adeegan jiray labada dal islamarkaana bixin jiray Cashuurta dawlada.

Sida ay noo xaqiijiyeen Ganacsatada reer Somaliland ee ku sugan Magaalo Ganacsiyadeeda Wajaale oo raashinkani inta badan uu ka talaabi jiray ayaa sheegay in todobaadkan madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar soo saaray amarkan islamarkaana uu warqadan uu xafiisyada dawladiisa ee Cashuuraha ukala diray uu ku sheegay in raashinkii Somaliland laga soo iibsan jiray ee Lc-ga ku gali jiray Itoobiya ay joojisay islamarkaana ay ka soo gali karaan oo qudha Dalka Jabuuti,Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan Puntland oo xidhiidh dhaw laleh Itoobiya,waxaanay arintaasi dhul gariir ku riday ganacsato badan oo itoobiyaan iyo reer Somaliland iskugu jira oo raashin badani u yaalo Bakhaaro ku yaala Magaaladda Wajaale,kuwaasi sida la sheegay maalintii amarkani soo baxay isku shubay xafiiska Madaxweyne Cabdi Ilay ee Magaalada Madaxeeda Jigjiga,balse lama sheegin waxa ay kala kulmeen iyo waxa uu ku qanciyay ganacsataasi toona.

Lama garanayo sababta uu madaxweyne Cabdi ILay amarkan lafjabka ku ah xidhiidhka labada dal u soo saaray balse waxa muuqata inay arintu ku xidhiidhsan tahay siyaasad islamarkaana ay muujinayso xidhiidhkii Somaliland iyo Itoobiya oo god madaw ku sii dhacaya. Waxa ay arintani si weyn uga nixisay ganacsatada reer Somaliland ee Magaalada Wajaale xarumaha waa weyn ku leh kuwaasi oo Alaabada ugu badan ka iibin jiray ganacsatada Itoobiya oo wajaale iyaguna ugu iman jiray,waxaanay arintani si toos ah albaada u laabtay xidhiidhkii qotoda dheeraa ee ganacsi ee u dhexeeyay Somaliland iyo Itoobiya kaasi oo imika aad moodu inuu ku milmay arimaha siyaasada ee labada dal oo iyaguna murugsan,meel xuna maraya. Dawlada Somaliland ayaa mudooyinkan dambe ka soo laabanaysa wadamo badan oo ay siyaasad wadaag ahaayeen waxaanay imika ay isku soo biyo shubatay oo deeradu dhex miranaysaa wadamadii ay Somaliland jaarka lalahayd ee qadarin jiray oo imika u muuqda qaar didsan oo saluugsan nidaamka maamul ee Imika Somaliland haga.
Waxa jira Jabhad reer Awdal ah oo xarumo ku leh Gudaha Itoobiya kuwaasi dagaalo gaadmo ah si goos goos ah ugu soo qaada fadhiisimo ciidanka Somaliland ku leeyihiin Gobolka Awdal gaar ahaan deegaamada Xuduudaha Itoobiya ku teedsan kuwaasi oo mararka qaarkood uu ka dhasho khasaare dhimasho iyo dhaawac lehi. Dawlada Somaliland ayaa dhawr jeer ku celcelisay inay Itoobiya kala hadashay jabhadaasi ka soo duulaysa gudaha Itoobiya laakiin waxa muuqata in xidhiidhkii Itoobiya iyo Somaliland u dhexeeyay uu sii Xumaanayo inkasta oo aan la garanayn halka ay sartu ka qudhuntay iyo waxa ay labada dal isku seegeen.

Comments are closed