|

Itoobiya Oo Dhamaystirtay 57% Ka Mid Ah Biyo-xidheen Ay Ka Waddo Webiga NIIL & Ujeeddada Xaflad Loogu Qabtay Hargeysa

Hargaysa 04. April 2017 (SDN/QJ):- Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya jamhuuriyadda Somaliland Brig Gen. Berhe Tesfay ayaa shaaca in shacabka Itoobiya xaqiijiyeen awoodda ay u leeyahiin isticmaalka biyaha webiga ABBAY.

Mr. Tesfay oo shalay ka hadlay munaasibad loo qabtay sannadguuradii lixaad ee ka soo wareegtay bilowga mashruuca biyo-xidheenka ABBAY oo  halku-dhigga sannadkan loo qaatay “Sidaan u bilownay ayaan ku dhamaynaynaa” oo shalay lagu qabtay huteel Maansoor, kana soo qeybgaleen dad ka badan shan boqol oo qof, ayuu sheegay in dhamaan dhaqaalaha mashuuca lagu fuliyey ku yimid iskaashiga shacabka, waxaanu yidhi, “Mashruuca dhismaha Biyo-xidheenka dhamaantii waxa lagu fuliyey iskaashiga shacabka, isla-markaana dhamaytirkiisu waa hawl sugaysa qof kastoo Itoobiyaan ah.”

Mr Berhe Tesfay oo faahfaahin ka bixiyey muhiimadda mashruuca biyo-xidheenka ABBAY ayaa sheegay inuu sare u qaaday midnimada shacabka, “Shacabka Itoobiya waxay xaqiijiyeen inay awood u leeyahiin isticmaalka webiga ABBAY, waxaanay Xukuumadda Itoobiya ku guulaysatay kantaroolida biyaha ABBAY, si looga faa’iideysto dhinaca wanaagsan.”

Mar uu ka hadlayey dhinaca siyaasadad iyo heerka shacabka iyo Xukuumadda Itoobiya oo wada jiraa ugu qanciyeen dalalka jaarka ah iyo dunida ayuu yidhi Mr. Tesfay, “Dawladda iyo shacabka Itoobiya waxay ku guulaysteen inay ka dhaadhiciyaan waddamada jaarka iyo dunida xaqa ay u leeyahiin isticmaalka biyaha ABBAY iyo in faa’iidada biyo-xidheenku dhammaan wada gaadhayso.”

Mar uu ka hadlayey Safiirka Itoobiya u fadhiya JSL Mr. Tesfay faa’iidooyinka laga gaadhay dhismaha biyo-xidheenka ABBAY oo ku fadhiya dhul mastaafaddiisu gaadhayso 240 kun KM wuxuu yidhi “Faa’iidada koowaad ee laga helay waa in shacabka Itoobiya dhamaantood gacmaha isku qabsadeen hirgelintiisa, isla-markaana midnimo qaran lagu gaadhay ay keentay in boqolkiiba 57% lagu guulaystay hirgelintiisa, iyadoon loo baahan amaah shisheeya. Fursadaha kale laga heli doono mashruuca biyo-xidheenka wax aka mid ah shaqo-abuur, ganacsi, tiknoolaji iyo dalxiis, waxa badan ku kordhin doona dhaqaalaha shacabka Itoobiya, dalalka jaarka ah iyo caalamka.”

Munaasibadan lagu xusayey sannadguuradii lixaad ee ka soo wareegtay dhimaha biyo-xidheenka ABBAY ee ka dhacday Hargeysa, oo sidoo kale lagu qabtay guud ahaan daafaha caalamka oo gebagebadii martidii ka soo qeybgalay tiro ka badan laba boqol iibsadeen saami (bonds) ayaa ku soo dhamaatay si heer sare ah.

Dhinaca kale, munaasibadan lagu xusayey dhismaha Biyo-xidheenka ABBAY ayaa casharo badan ka qaadan karaan shacabka Somaliland ugu horeyso sida wadajir ummad walba u dhisan karto dalkeeda.

Waxa sidoo kale laga qaadan karaa in hawl kastoo bulshadu isu-kaashato ay horseedo ka midho-dhalinteeda iyo inay xoojiso midnimadii iyo walaaltinimadii u dhexeysay bulshada, sidaa darteed waxaa la gudboon bulshada Somaliland inay wax badan ka bartaan, si horumarka dalkooda iyo danahooda u gaadhaan.

Comments are closed