|

Itoobiya oo deked u doonatay Kenya iyo saameynta ay ku yeelan karto Jabuuti iyo Somaliland

Nairobi Mar 02,2012(SDN)-Dawladaha dalalka Itoobiya iyo Konfurta Suudaan ayaa dhawaan heshiisyo kala duwan la sexeexday dalka Kenya si markaa ay shacabkooda uga faaiideyaan dekedaha dalkaasi.

Dawlada Itoobiya ayaa todobaadkan la sexeexatay dalka kenya heshiisyo ganacsi oo labada dal dhexmara,khaasatan mid ay labada dal ku dhisayaan tareen isaga goosha magaalada xeebta ah ee Lamu iyo caasimada Itoobiya ee Adis.

Dawlada Itoobiya ayaa hore ganacsigeedu si weyn ugu tiirsanaa isticmaalka dekedaha Jabuuti iyo Somaliland,iminkase waxa muuqda isbedel arinkaa ku yimi.

Jabuuti iyo Somaliland ayaa qudhooda dhaqaalohoodu si weyn ugu tiirsanaa isticmaalka dekedahooda au isticmaalaan ganacsatada reer Itoobiya.

Koonfurta Suudaan ayaa sidoo kale heshiis dhawaan kula gashay Kenya isticmaalka dekadaheeda si ay halkaa uga dhoofsato shidaalka ay dunida u dhoofiso.

Tilaabada ay Itoobiya uga digo roganeyso dekedaha Jabuuti iyo Somaliland ayaan cadeyn ilaa iyo haatan,waxase suurto gal ah in dalkaasi uu tartan gelinayo dalalka ku xeeran ee eebe ku maneystay xeebaha dhaadheer.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed