Itoobiya oo Baaq u Dirtay Muwaadiniinteeda Sharci Darada Ku Jooga Boqortooyada Sucuudiga
Addis Ababa 20. May 2017 (SDN/QJ):-Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay in uu walaac ka qabo in muwaadiniinta dalkiisa ee sharci darrada kaga shaqaysta Sacuudi Carabiya ay dhibaato la kulmaan.
Ra’iisal wasaaraha ayaa intaa ku daray in maalmo gudahood ay ku egtahay mudadii ay dowladda Sacuudiga u qabatay in dadka sharci darrada dalkaasi ku jooga ay uga baxaan, sidaa darteedna uu ka cabsi qabo in booliska ay xoog u adeegsadaan dadkaasi.
Bishii Maarso ee sanadkan ayaa Sacuudiga waxa uu muddo 90 cisha ah u qabtay in dalkaasi ay uga baxaan muhaajiriinta aan sharciga haysan.
Nus milyan qof oo Itoobiyan ah ayaa lagu qiyaasay in ay si sharci darra ah ugu noolyihiin Sacuudiga, waxaana ay u badan yihiin hablo guryaha ka shaqeeya.
Sanadkii 2013, tiro Itoobiyaan ah ayaa dhintay ka dib markii ay iska horyimaadeen booliska Sacuudiga oo doonayay in ay qabqabtaan oo ay tarxiilaan.