Itoobiya: Kaalinta Wax Soo Saarka Beeruhu Kaga Jiro Kobcinta dhaqaalaha
Addis Ababa 09.Jan 2016 (SDN/QJ):- Abaartii balaadhnayd ee sanadihii sideetamayadii ee qarnigii ina dhaafay ku dhufatay dalka itoobiya oo ahayd mid ka mid ah abaarrihii ugu xumaa ee Gobolka geeska afrika soo mara waxay xiligaa galaafatay nolosha dad badan oo reer Itoobiya ah.
Muddo sodon sanadood ah ka bacdi abaartaasi Xiligan waxay weli tahay mid iman karta oo aan werwerkeedii go’in, laakiin arinta la xalliyey waa in abaartu aanay xiligan waxyeeladii hore oo kale sababi Karin, iyadoo tijaabooyinkii iyo waayo aragnimadii laga dhaxlay abaartaasi iyo roob yaraan ka dambaysay oo xiliyada qaarkod soo noqnoqotay ay keentay inay bulshada wadankaasi u bislaadaan horumarinta beerahooda iyo guul laga gaadho wax soo saarka sida ay baahisay dhamaadkii todobaadkan shabakada wararka qaramada midoobay ee http://www.un.org/africarenewal/ oo weriyayaal ka socdaa dhowaan booqdeen wadanka Itoobiya.
‘Xaaladu xiligan waa ka duwan tahay maalmihii madoobaa ee sanadihii sideetameeyadii, dawladuna waxay horumar ku samaysay dhaqaalihii dalka iyadoo ka dhigtay mid ka mid ah dhaqaalaha ugu koboca badan dunida oo dhan qiyaas dhan 9.9 sanadkiiba, beeraha iyo wax soo saarkoodana ay dawladu ka dhigtay xudunta siyaasadda dhaqaalaha ee ku talogalka ah, si loo xaqiijiyo in abaaro kulul oo mustaqbalka yimaadda aanay u galaafan nolosha muwaadinka Itoobiyaanka ah, laakiin ay abaartu suurogal ka dhigi karto inay soo muuqdaan waxyaabo kale oo nafaqo-darro ka mi tahay.’ Sidaa waxa lagu sheegay warbixinta ay shabakadaasi qortay.
Maanta qisada ku saabsan in beeraha Itoobiya yihiin xudunta dhaqaale iyo koboca wadankaasi ku jiro waxay calaamad u tahay isbedelka yimid iyo sida xaaladu uga duwan tahay halkii ay taagnayd muddo Toban sanadood ah ka hor. Baanka aduunka ayaa warbixin uu soo saaray waxa uu sheegay in sanadkii 2014 wax soo saarka beeruhu ay kala badh ka ahaayeen guud ahaan qiimaha wax soo saarka gudaha ee Itoobiya, iyadoo waxyaabaha uu dalkaasi dibada u dhoofiyey ay midhaha beeruhu ka ahaayeen 84%, sidoo kalena 80% shaqooyinkii abuurmay ay ku taxalluqeen dhinaca beerashada, hadaba maxaa abuuray isbedlka intaa le’eg?
Ugu Horayn Siyaasadda wax beerista ee dalkaasi dejiyey waxay malaayiin beerlaydii faqiirka ahayd u jihaysay inay noqdaan wax soo saarayaal badeecadahoodu gaadho suuqyada gudaha iyo kuwa dibada, iyadoo sanadkan 2015 dawladu 17% miisaaniyadda guud ee dalka u qorshaysay beeraha,
Mar labaadka waxaa la abuuray hay’ado wadani ah iyo siyaasado cadcad oo lagu hagajinayo cidhiidhigii ka jiray wax beerashada iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka. Natiijadina waxay noqotay in wax soo saarkii midhaha beeruhu gaadhaan koboc balaadhan oo sanadkiiba u dhigma 7% horumarkaa oo sii socday intii lagu jiray tobankii sanadood ee u dambeeyey, malaayiin beeraleyda Itoobiyaha ahna kaga baxeen xaaladii faqriga.
Waxaa la abuuray Hay’ado karti leh oo ka hawlgala Beeraha, waxana la qaaday ku dayasho mudan oo la muuqaal ah siyaasadaihii wax beerashada ee guulaystay ee ay raaceen dalalka Asia sida Malaysia, Singapore iyo South Korea, siyaasadahaas oo lahaa labo fure oo muhiim ah.
Ka koowaad oo ah in la saxo oo la qaabeeyo kala mudnaashaha si loo xaliyo caqabadihii ka jiray dhinacyada (xirfadaha, ilaha, maalgelinta isu isku duwidda)
Furaha labaad ee siyaasada horumarinta Beeraha ee Itoobiya raacday ayaa ah abuuritaanka hay’ado la talineed oo door weyn ka ciyaara sidii cidhiidhiga looga saari lahaa wax beerashada, dawladuna waxay siisay hay’adda wax ka bedelka beeraha (Agriculture Transformation Agency (ATA)) awooda daah ka qaadista caqabadaha iyo xallintooda, iyadoo ay mashaariicdeeda ka mid yihiin hanaanka hubinta camuuda wax beerashada ku habboon ee Dalkaasi Itoobiya, hanaankan oo lagu ururinayo baahiyaha nafaqo ee ka haysta cammuuda meelo badan oo ka mid ah dalkaasi, halka sidoo kalena ay hay’adani talooyin ka siiso beeralayda camuuda ay wax ka beeranayaan, lana kordhiyey qaababkii wax beerista oo wadanka ka jiray kuwaasoo halkii ay markii hore ka ahaayeen labo qaab oo keliya xiligan la gaadhsiiyey ilaa 14 qaab oo wax beerasho, waxana la sahlay inay malaayiin beeralay ahi fahmaan qaabka ugu dhow ee ay uga faa’iidaysan karaan dhul beeroodka iyo nooca dalaga ee ku wanaagsan ciidda ay wax ka beeranayaan.