|

Itoobiya iyo Kenya oo ku dhawaaqay in ay taageerayaan Maamul u sameynta Jubooyinka

Nairobi Dec 15 2012 (SDN)—Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa isku raacay inay iska kaashadaan sidii ay nabad kaga dhali lahaayeen wadanka Geeska Africa ku yaala ee Soomaaliya,gaar ahaan Deegaanada iyo Degmooyinka ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta labada dowladood oo si qoraal ah hadal isku dhaafsaday ayaa waxa ay ku qeexeen hadalkooda si mideysan ay u wajahaan xaalada Soomaaliya oo haatan meel fiican mareysa oo iyagana qeyb ka yihiin ayaa hadana waxa ay sheegeen inay sii laba jibaarayaan dadaalada Nabada loogu raadinayo ee laga wado Soomaaliya,gaar ahaan Maamul goboleedyada la doonayo in laga dhiso gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

“Waa in si wadajir ah ugu gaashanaa sidii aan u taageeri laheyn dowlada Soomaaliya iyo hanaanka la doonayo in maamul loogu sameeyo Jubooyinka iyo Gedo oo garwadeyn ay ka yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Urur Goboleedka IGAD,marka saaxiibka dhigayga ah ee Kenya waxaan ka doonayaa in si wadajir ah aan isaga kaashano sidii aan u gacan qaban lahayn maamulada la doonayo in laga dhawaaqo Soomaaliya” Ayuu Yiri Raysal Wasaaraha Itoobiya Mr Hiala Mariam.

Sidoo kale Raysal Wasaaraha Itoobiya oo warqad qoraal ah u gudbiyay Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay in uu sii laba jibaari doono dhankiisa caawinaada dowlada iminka ka hana qaaday ee Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Kenya oo markii uu qoraalka gaaray ka soo jawaab celiyay waxa uu sheegay in dhankiisa uusan ka dhaceyn u hanqal taaga in Soomaaliya dowlada rasmi ah ka dhalata islamakaana si taasi loo helo uu muujinayo kaalintiisa ku aadan sidii Soomaaliya ay haykalkii ay lahayd dib ugu soo ceshan lahayd.

Waxa uuna balan qaaday in uu taageerayo Maamul u sameynta laga wado deegaanada Jubooyinka iyo Gedo oo maalmahan danbe howshooda lagu guda jiray,waxaana Kenya ay ka mid tahay dowladaha garwadeynka ka ah dadaalada Mas’uuliyiin ka tirsan urur goboleedka IGAD ay wadaan.

Comments are closed