|

Itoobiya, Ingiriiska, Maraykanka Iyo M. Afrika Oo Soo Dhaweeyay Doorashada Farmaajo

Muqdisho 11. February 2017 (SDN/QJ):-Dowladda Itoobiya ayaa soo dhaweysay doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaana ay ammaan u jeedisay sida ay doorashada u dhacday.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa lagu sheegay in Raysal-wasaaruhu ammaanay sidii ay u dhacday Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya loogu doortay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Warka, ayaa intaa ku daraya in Raysal-wasaaruhu uu ballan-qaaday in Xukuumadda Itoobiya ay si dhow ula shaqeyn doonto Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, si buu yidhi Dalka iyo Dadka Soomaaliya ugu hoggaamiyo Mustaqbal Wanaagsan.

Doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, ayaa waxa kale oo soo dhaweeyay Ururka Midowga Afrika, Dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska.

Comments are closed