|

Isuduwihii Wasaaradda Qorshaynta Gobolka Sanaag Oo Qori Uu Sitay Isku Qarxiyey

Ceerigaabo:10-Dec-2013 (SDN)-Sida ay sheegayaan wararka ka soo Baxaya Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, waxa qori AK-47  ah oo uu sitay isku qarxiyey Isuduwaha wasaaradda qorshaynta qaranka ee gobolka sanaag Faysal C/kariim Xirsi (Shalmad).

qoriDhaawaca isu-duwaha  ayaa la sheegay in loola cararay Cisbitaalka Manhal ee magaaladaas ku yaalla si xaaladdiisa wax looga qabto, waxana la sheegayaa inaanay xaaladiisu sidaas u sii cuslayn oo uu waxoogaa ladan yahay.

Qorigan uu isu duwuhus isku qarxiyey, ayaan la garanayn sababta ku kaliftay, maadaama maniga magaaladu haatan aad uu deggen yahay oo aanay dhibaato weyni jirin, waxana arrintaasi su’aal gelisay Nolosha guud iyo amniga magaalada maaddaama madaxdii qoryo la dhex marayaan.

Isu duwahan ayaa magaalada Badhtankeeda marayey xilligii uu qaraxan isu geystay, waxana halkaas   ku soo ururay shacab badan oo la yaabay sababta ku kalliftay masuulkan inuu qori magaalada ku dhex maro ama uu ciidan u kaxaysan waayey.

Magaalada Ceerigaabo ee caasimadda Gobolka Sanaag, ayaa iyagu inta badan ah meel xaaladeedu degan tahay,balse intii xukuumadda madaxweyne Siilaanyo dhalatay waxa ka dhacay Dhibaatooyin amni oo sababay in dad badan  oo ciidan iyo shacab iskugu jiraa ku dhintaan.

S.D.N.

Contact@somaliasporanews.com

Comments are closed