Isu Soo Bax lagu Taageerayo Khaarajintii Hogaamiyihii Alshabaab oo Muqdisho lagu qabtay SAWIRO
Muqdisho 08.Sep 2014 (SDN/QJ)- Banaanbax lagu taageeraayo dilka Amiirkii Ururka Al Shabaab Axmed Cabdi Aw Maxamed (Goddane), ayaa waaxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Banaanbaxa waxaa ka soo qaybgalay xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo boqolaal ruux oo bulshada ah, waxayna isugu soo baxeen Xarunta Degmada Boondheere.
Banaanbaxayaashu waxay wateen boorar lagu soo xardhay ereyo si weyn loogu taageeraayo qaarajinta Amiirkii Ururka Al Shabaab, waxayna dadku ku qaylinayeen ereyo ka dhan ah Shabaabka.
Dadka isugu soo baxay Xarunta Degmada Boondheere, ayaa waxay muujiyeen in Somaliya ay ka daashay dagaalada dhexdeeda ah, isla-markaana ay u baahan tahay inay xilligaan nabadda hiigsato.
Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa si buuxdo u taageeray hawlgalkii qorsheysnaa ee 1-dii bishaan lagu dilay Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane), oo Shabaabka dhexdiisa looga yeeri jiray Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubeyr).
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com