Isu soo bax ka dhacay magaalada Obock ee dalka Jabuuti
Obock Mar 09,2012(SDN)-Isu soo bax balaadhan oo ay xisbiga mucaaridka ah ee ARD ay ku qabteen magaalada Qadiimiga ah ee Obock ayaa ahaa mid si weyn ay uga qeybgaleen dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshada halkaa ku dhaqan.
Madaxda xisbiga ARD oo dadweynaha reer Obock halkaa khudbado uga jeediyay ayaa ku dheeraaday habacsanaanta dawladeed ee dalka ka jirta iyo hogaan xumada ku habsatay dalka.
Bulshada reer Obock ayaa isu soo baxan ku muujiyay baahida Jabuuti u qabto isbedel siyaasadeed oo dalka ka hirgala.
Dadweynaha isu soo baxa ka qeybgalay ayaa sitay calaamado ay ku muujinayaan baahiyahooda iyo ka soo horjeedka xukuumada.
Xisbiga ARD ayaa shaaciyay in ay sii wadi doonaan isu soo baxyada noocan ah ee ay dalka ku qabanayaan,ilaa la helo isbedel siyaasadeed oo ka turjuma rabitaanka shicibka reer Jabuuti.
SDN-Obock
contact@somalidiasporanews.com