|

Isu-duwihii Labaad ee Ka Tirsan Xukuumadda Siilaanyo Oo Muddo Toddobaadyo Gudahood ah Iska Dhiibay Garowe iyo Qaar Kale Oo Xod-xodashadoodu Socota

Badhan:24-Feb-2014(SDN)-Isuduwihii Labaad ee Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Ka Soo Jeeda Gobolka Sanaag ayaa U Goostay Dhinaca Maamulka Puntland.

badhanMaxamed Cabdilaahi oo ahaa isu duwihii Ciyaaraha  Gobolka Sanaag, ayaa u ambabaxay Dhinaca Garoowe oo uu hore u joogay isu duwihii Wasaaradda Kalluumaysiga u joogay Gobolkaasi, isagoo Sii Kaxaystay Gaadiid iyo Hanti Badan oo Wasaaraddu Lahayd kuwaas uu gacanta ku Hayey.

Labadan Nin ee Gobolkaas ka Goostay ayaa in Muddo  ahba waxa ay Wada Hadalo Hoose kula Jireen Dhinaca Maamulka Garowe ee Cusub oo mansabyo sare u Ballan qaaday.

Ragan Goostay ayaa si Xor ah uga Baxay Deeganada Somaliland, iyagoo Gaadiidkoo ay hore u Wadan jireen Wata, waxana laga Yaabaa ina Dhawaan loo Magacaabo Xilal ka sarreeya kuwii ay Somaliland ka Hayeen.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa kaliya Daawasho kaga Qaybgelaysa Dhaqdhaqaaqa iyo Farogelinta ay Puntland ku Hayso Deegaanadaas, waxana wali Socda Xodxodasho kale oo lagula jiro Rag kale oo Xilal ka Haya Gobolkaas oo Puntland looga Gacan Haadinayo.

Wali lama Qaadin wax Tallaabo ah oo Shacabka iyo Masuuliyiinta Reer Badhaneed lagaga dhaadhicinayo Qaddiyadda Somaliland, waxana jira Warar sheegaya inay Dhawaan Halkaas iman Doonaan Masuuliyiin Sare oo Reer Puntland ah oo fawdo Doon ahi.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed