Isu duwaha Caafimaadka ee Gobolka Maroodijeex oo kormeeray xarumaha Hooyada iyo dhalaanka Hargeysa
Hargeysa Mar25,2012(SDN)-Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Maroodijeex Axmed Xasan Goonle aya maanta kormeer ku soo maray xarumaha hooyada iyo dhallaanka ee Caasimadda Hargaysa kaasoo uu ugu kuurgelayey horusocodka adeega goobaha xanaanadu u hayaan bulshada.
Isuduwaha oo kormeerkaasi ka dib u waramayey saxafada ayaa sheegay inay maanta kormeer ku soo mareen 11 xarumood oo ah xarumaha daryeelka iyo xanaanada dhalaaanka iyo Hooyada ee Magaalada Hargaysa ayna gaadhsiiyeen xarumaha raashinka nafaqada leh ee lagama maarmaanka u ah Hooyada iyo dhallaanka, halka sidoo kalena ay Madax taabsho ku sameeyeen shaqaalaha hawlwadeenada ka ah xarumahaasi MCH-ka si la isugu dheellitiro shaqada iyo shaqaalaha lana waafajiyo baahiyaha shaqo ee xarumahaasi.
Axmed Xasam Goonle waxa uu sheegay in hawshan nafaqaynta ay tahay mid ay iska kaashanayaan hay’adaha kala ah, HBA, WFP iyo xafiiska caafimaadka ee Gobolka Maroodijeex.
Isuduwahu waxuu xusay in kormeerkan oo uu ku wehelinayey Madaxa fayodhawrka ee Gobolka maroodijeex Cabdiqaadir Nakruuma uu soconayey muddo labo maalmood ah lana soo gebegebeeyey maanta.
SDN-Hargeysa