|

Isu duwaha Caafimaadka ee gobolka Maroodijeex oo ka waramay talaalka caruurta

Hargeysa Feb 26,2012(SDN)-Isu duwaha Wasaarada Caafimaadka Gobolka Maroodi jeex Dr Axmed Xasan Goole ayaa maanta ka warbixiyay maalmaha talaalka caafimaadka caruurta oo la soo gabo gabeeyay.

Waxa uu Isu duwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Maroodi jeex u tilmaamay in guud ahaan talaalkii hooyada iyo dhalaanka la gaadhsiiyay deegaanada hoos yimaada gobolka     Maroodi jeex .

Dr Axmed Xasan Goole waxa uu sheegay in hawlhgalkani mudadii uu socday lagu  talaalkay caruur lagu qiyaasay boqolkiiba Sagaashan kuwaas oo ay da’doodu ka hoosayso Shan sano jirka waxaa kale oo isu duwuhu xusay in haweenka ay da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 45 jirka ay boqolkiiba Todobaatan talaalkan qaateen, waxaanu intaas ku daray in caruurta laga talalay lixda cudur ee dilaaga ah oo ay barbar socotay dawooyinka caruurtu u baahan yihiin iyo cuntooyinka nafaqaysan ee haweenka la siiyo.  

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed