Isreal iyo Xamaas oo heshiis xabad joojin ah gaadhay
Gaza Oct 25,2012(SDN)-Dawlada Isreal iyo kooxda xamaas ee ka arrimisa daana Gaza ayaa gaaray heshiis xabad joojin ah oo lagu hakinayo madaafiic labada dhan ay isweydaarsadeen.
Colaada labada dhan ee maalmaha socotay ayaa heshiiska lagu hakiyay waxa ka shaqeeyay dawlada Masar.
Heshiiska labada dhan ay maanta gaareen ayaan la garaneyn mudada uu socon doono iyo qodobada uu ka kooban yahay.
Ilaa maalinimadii Isniinta oo xurguftu bilaabatay ilaa shan ruux oo Israel u dhashay ay ku waxyeeloobay colaada.
Halka dhanka Falastiiniyiinta Gaza ay ilaa afar ruux oo lagu shegay in ay ahaayeen dagaal yahanada Xamaaz.
Raiisul wasaaraha Israel Netanyahu ayaa dhawaan sheegay in ay sii wadi doonaan ugaarsiga Xamaas,balse taasi iminka waa ay is bedeshay.
Xamaas ayaa ilaa 70 madfac ku tuurtay Israel oo ay ku bartilmaansatay degaano dhaca koonfurta dalkaasi.
Xurgufta ayaa ku soo beegmeysa xili ay haweeneyda Yurub u qaabilsan arrimaha dibedda ay Israel booqaneyso si loo dardar geliyo wadahadaladii labada dhan.
SDN-Gaza
contact@somalidiasporanews.com