Isra’el Oo Masaajidka Qudus u Diidday inay Ku Tukadaan Dadka Da’doodu 50-sano Ka Yartahay
Qudus:Nov,01,2014(SDN/QJ)-Yuhuudda Gacanta ku Haysa Masaajidka Barakaysan ee Qudus, ayaa la sheegayaa inay soo rogeen amar cusub oo masaajidka loogu diidayo dadka Da’doodu Kontanka sano ka Yartahay.
Masaajidkan ayaa ayaamo kooban xidhnaa, waxana dib loo furay shalay, waxase la raaciyey shuruudahan cusub.
Kumannaan askeri oo Israa’iiliyiin ah oo aad u hubeysan ayaa masjidka u ogolaanayey inay galaan dadka 50 ka sano ka weyn oo keli ah.
Falastiiniyiinta ku sugan Qudus ayaa ku baaqay in la isugu yimaado dibad baxyo ay ku sheegeen “Maalinta Cadhadooda”, taas oo daba socota nin Falastiini ah oo booliska Israa’iil ay toogteen.
Waxaa ninkaasi looga shakiyay inuu ka qeyb galay weerar arbacadii lagu qaaday dhanka midigta oo ay ku cibaadeysteen Yahuudda.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, ayaa muujiyay walaaca uu ka qabo xiisadda sii hureysa ee magaalada.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com