Ismari-waa Ka Taagan Wada-hadalladii Xukuumadda iyo Mucaaridka u Socday Iyo Qayilaad Jilbaha Loo Laabay Markii La Isku Daalay
Hargeysa:May,23,2015(SDN/QJ)-Ismari-waa laxaad leh, ayaa hadheeyey wada-hadalladii mucaaridka iyo xukuumadda Somaliland Maanta Duhurkii uga bilaabmay Hutel Ambassador ee Magaalada Hargeysa, waxana Shan saacadood oo wada-hadal ah kadib dhinacyadu nasasho bideen cunista qaad kooban oo goobta la geeyey.
Dhinacyadu waxa ay goor dhaweyd ka baxeen Hoolkii shirku uga socday, waxana ay uguureen Hool kale oo qaad la dhigay, kaas oo xubnaha intooda qayishaa ay nasasho ka dayeen laamo qaad ah oo halkas ka calalinayaan.
Sida wararku sheegayaan waxa aan la haynin wax natiijo ah oo dhinacyadu isku afgarteen, waxana qolo waliba muujinaysaa inay ku dhegsan tahay Mawqifkeeda adage e ka dhanka ah kuwa kale, taas oo keentay in wakhti badan lagu lumiyo yooyootan iy muran.
Khilaafkan oo kasoo aloosmay muddo-kordhintii dhawaan Xukuumadda loo sameeyey, waxana shirguddoominaya madaxweyne-kuxigeenka, waxana saddexda Xisbi uga qaybgelaya guddoomiya-yaashooda sare, qolo waliba afar xubnood bay leedahay.
Shacabka ayaa si weyn udhawraya waxa kasoo baxa kulankaas, walina waxba lagama hayo.
Wararku waxa ay sheegayaan in Xukuumaddu leedahay waa muddo-kordhintu waa Distoori, halka qolyaha Mucaaridka ahi leeyihiin meel dhexe halla isugu yimaaddo.
Ilaa Saacadaha soo socda, ayaa la filayaa in saxaafadda lala hadlo, waxana arrintu u egtahay in Ballan dambe la iskugu iman doono.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com