|

Ismaciil Cumar Geelle miyuu Faysal Cali Waraabe uga xoog roonaaday hogaanka Xisbiga UCID?

London July 25,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa hore u shaaciyay in uu joojiyay ka hadalka Madaxweynaha Jabuuti ka dib kolkii uu sheegay in madaxweynuhu uu uga awood roonaaday Siyaasda Somaliland.

Faysal ayaa sheegay in Madaxweyne Geellaha Jabuuti uu Hargeysa ka sameystay taageereyaal u jawaaba mucaaridka.

Iminkana waxa soo baxday in Madaxweynaha Jabuuti uu Guddoomiye Faysal Cali uga awood roonaaday guddaha Xisbiga UCID.

Arinkan ayaa soo baxay ka dib kolkii Xoghayihii Arrimaha dibedda ee Xisbiga UCID Md Yusuf Budle  xilkiisii uu uga tegay xog uu ka faafiyay Madaxweynaha Jabuuti.

Xoghayaha ayaa wareysi uu ina siiyay waxa uu uga waramay in madaxweynaha Jabuuti uu gacanta ku dhigay siyaasiyiinta iyo Ganacsatada Somaliland sidaana uu dalka ku maamulo.

Xoghaye Budle ayaa sheegay in madaxda xisbiga UCID ay ka war hayaan damac Madaweyne Geelle ee lidiga ku ah Somaliland isla markaana ay door bideen in ay dantooda gaarka ah ka raacaan.

Si kastaba ha ahaatee hadii arinku noqdo sida uu Md Yusuf Budle hadalka u dhigayo waxa soo afjarmaya sheegashadii Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ee ku saleysneyd Wadaniyada.

SDN/QJ-London

contact@qurbejoog.com

Comments are closed