“Ismaaciil C. Geelle Wuxuu Jecelyahay Dhibaatadda Somaliland, Haddii anigga ahaan lahayd talaabo cad baan ka qaadi lahaa ….” Gudoomiye Ramaax DAAWO
Hargaysa 24.May 2016 (SDN/QJ):- Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Saleebaan Ramaax, ayaa mar kale ku celiyay weerar afka ah oo uu ku qaaday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, islamarkaanna wuxuu sheegay inuu amar ku bixin lahaa markii ciidamadda jabuuti dileen askari ka tirsan ciidamadda badda Somaliland in la weeraro Jabuuti.
Ramaax wuxuu sheegay in madaxweynaha jabuuti jecelyahay dhibaatadda Somaliland oo uu ka jecel yahay koonfurta Somalia.
Ramaax oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Waxay Somaliland ka tirsanayso Somalia wali may fahmin isaga iyo qayrkii ayaan ku caddaynaya Madaxweynaha Jabuuti, waa Madaxweyne Soomaaliyeed, waad ogtahay Somaliland siday markii lala dagaalamay ee dagaalka lagu soo qaaday kuwii ka qaybgalay waxay ahayeen reer Somaliland, waa dad somaaliyeed oo ma jeclin in dhibaato gaadho, Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu jecelyahay dhibaatadda Somaliland, oo koonfur buu naga jecel yahay oo taa iyadda ah baanu u lahaa, Masalaha nin aan ku dhigayn middig ma saaraayo. Haddanna waan kuugu celinaya, cidna uga habran maayo oo isagaan uga habranayn oo qaawin waxaanu ugu wadahadali doonna wuxuu na dhaamo ma jirto”ayuu yidhi Ramaax.
Sidoo kale, Mar Ramaax wax laga waydiiyay markii ciidamadda Jabuuti dileen askari ka tirsan ciidamadda, balse wuu iga damqaday bahdilaadii lagu sameeyay Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu yidhi“Waa qalad oo cidii hawshaasi khusaynaysay ayay u taalay. Haddii anigga ahaan lahayd talaabo cad baan ka qaadi lahaa, amarkeedanna waan bixin lahayoow ha la weeraro iyaganna.”