Ismaaciil Buubaa Oo Maamul-goboleedyada Ku Tilmaamay Caqabad Haysata Midnimada Somalia
Muqdisho:Feb,17,2015(SDN/QJ)-Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa ooh ore xilal kala duwan uga soo qabtay Dawladihii kala dambeeyey ee Somalia, ayaa, sheegay in caqabada haysata Midnimada Somalia ay tahay Maamul-goboleedyada tartanka loogu jiro ee samaysmay iyo kuwa wali soo socda ee la samayn doono.
Mr Hure Buubaa ayaa sheegay in Maamulada ay u dhaqmaan sida Dowlado Madaxbanaan taasi oo uu sheegay in aanay aheyn wax midnimada Soomaaliya u wanaagsan.
Wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda ayaa walaac ka muujiyay suurtagalnimada in Maamulada ay galaan heshiisyo caalami ah oo u gaar ah iyadoo aanay ka warqabin dowladda Soomaaliya.
Dowladda ayaa ku guda jirta Dhismaha Maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud, iyadoo sidoo kale qorsheeneysa dhismaha Maamulka Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Maamul-goboleedyada, ayaa inta Badan muran iyo isqabqabsi ka abuura Gobolada deriska ah, waxana arrintaasi ay dhibaato ku tahay degenaanshada iyo wada Noolaanshaha.
SDN/QJ