|

Islamiyiinta Syria oo gacanta ku dhigay magaalo muhiima

Idlib Mar 29.2015(SDN/QJ)-Islaamiyiinta dalka Syria oo ilaa sanadii 2012kii dagaal kala soo horjeeday ciidamada dawlada Bashaar Al Asad ayaa gacanta ku digay magaalo muhiima oo mudo lagu dagaalamayay.

Ciidamada Islamiyiinta Nusra ayaa maalinimadii shalay la arkay iyaga oo ku qulqulaya magaalada Idlib oo ah magaaladii labaad ee Raqa ka dib gacantooda gasha.

Idlib oo dhacda xadka dalka Turkiga ayaa waxa ku nool ilaa 165 kun oo ruux, waxaana magaalada ilaa 2012kii gacanta ku hayay ciidamada Asad.

Muqaalo ay Islaamiyiinta Nusra Internetka soo dhigeen ayaa lagu arkay dagaalyahanadooda oo ku tukunaya bartamaha magaalada.

Sidoo kale waxaa la arkayay ciidamada Bashaar Al Asad oo isaga dareeraya magaaladan ay sida xoogan u difaaci jireen.

Dagaalyanahada Nusra ayaa bilihii u danbeeyay awood badan ku muquuninayay kooxaha culmaaniyiinta ah ee garabka ka hela reer Galbeedka.

Dunida ayaa bilihii u danbeeyay ku mashquulsanaa kooxda Daacish waxaaney taasi fursad u noqotay Islaamiyiinta Nusra oo degaano badan gacanta ku dhigay.

Ma cada halka ay xaalada Idlib ku danbeyn doonto waxaase cad in haatan loo itaal sheeganayo ciidamada dawlada Syria.

SDN/QJ-Idlib

contact@qurbejoog.com

Comments are closed