|

Islaamka iyo Mustashriqiinta

Qeexitaanka erayga Mustashriq/Mustashriqnimada (Orientalist/Orientalism):

“Mustashriq” waxaa looga jeedaa qof Caalim ah oo si gaar ah aqoon xeel-dheer ugu leh afafka iyo dhaqanada dhulka dhaca jihada Bari ee Aduunyada. Erayga “Orientalist” ama Mustashriq waxaa markii u horeysay ka dhexmuuqday oo loo adeegsaday luuqada af Ingiriisiga 1779.

Erayga “Orientalism” isna waxaa looga jeedaa inla tilmaamo dhulalka dhaca jihada Bari ee Aduunka, gaar ahaan Caalamka Islaamka, waxaana loo adeegsadaa cidii kasta oo cilmi baadhis ku samaysa arrimaha khuseeyaa dhulalkaas, dhaqamadooda iyo taariikhdooda. Marka sidaa la leeyahay waxaa la tilmaamayaa Mad’hab fikir oo daraasooyin kala duwan ka abaabulaysa Caalamka Islaamka, kuwaasoo koobsada xadaarada Islaamka, diinta, luuqadaha iyo dhaqanka/thaqaafada.

Taariikhda Mushtariqiinta( Orientalists):

Taariikh ahaan lama yaqaanno wakhtiga ay bilaabmeen Mustashriqiintu, waxaase la hubaa inay ku bilaabmeen qaab Wadaado-masiixiyiin ah oo koox koox u tegay Undulus (markii ay Xadaarada Islaamku maraysay meeshii ugu saraysay), wadaadadaasi waxay wax ka barteen Machad-aqooneeyadii halkaa ka jiray, kadibna waxay luuqadahooda u turjumeen Qur’aanka iyo kutubtii af-carabiga ku qornayd. Waxay wadaadadaa reer galbeed culimada muslimiinta ka barteen cilmiyo farabadan sida: Falsafada, Dhakhtarnimada, Falsafada iyo Xisaabta.

Wadaadaasi Masiixiyiinta ah kuwii ugu horeeyey ee dalalkooda ku noqday waxaa kamid ahaa Jerbert oo loo doortay Pop-ka ugu wayn Kaniisada Rooma 999’kii, kadib markii uu kasoo qalin jabiyey Machadyadii aqoonta ee ku yaalay Undulus(Spain). Waxaa kale oo kamid ahaa wadaadadaasi Pierrele Aenere 1114’kii iyo Gerard de Gremone 1187.

Markii ay wadaadadaasi ku noqdeen dhulkoodii waxay bilaabeen faafinta thaqaafada Carbeed, waxaanay asaaseen Macaahid iyo Jaamacado lagu darso aqoontaa casriga ah ee ay kasoo korodsadeen dhulka muslimiinta. Turjumaada iyo faafinta aqoontaasi mudo badan ayay is daba taxnayd ilaa laga soo gaadho qarnigii 18’aad (oo ahaa qarnigii ay reer Galbeedku bilaabeen qabsashada iyo isticmaarsiga Caalamka Islaamka). Markan waxay bilaabeen inay dhulkooda u raraan kutub aad u farabadan, kutubtaasi oo culays wayn iyo tayo sare ku kordhisay maktabadahooda (libararies), waxaa lagu qiyaasaa kutubtaas ay ku biiriyeen maktabadahooda 50,0000 oo majalad/kitaab, illaa maantadan aynu joogno tiradaasi si joogto ah ayay u sii korodhaa.

Rubucii dambe ee Qarnigii 19’aad, 1873’kii ayay ahayd markii ay magaalada Paris shirkii ugu horeeyay isugu yimaadeen Mustashriqiinta reer Galbeedku, ilaa maantadana sidii ayey mudadiiba mar u shiraan, si ay isula wadaagaan cilmi baadhisyo iyo warbixino khuseeya Caalamka Islaamka.

Ujeedooyinka Mustashriqiinta:

1) Ujeedadooyin Diineed:

Wadaada Masiixiyiinta ee hawshaa u xilsaarnaa waxaa muhiimadoodu ahayd inay duraan Diinta Islaamka, inay shaasheeyaan dhammaan wanaagyadeeda, inay dooriyaan xaqiiqooyinkeeda. Si ay bulshooyinkooda ugu qanciyaan inayna Diinta Islaamku mudnayn inay ku faafto dhulkooda, u sawiraan inay Muslimiimtu yihiin dad cawaan ah oo xadaarad lahayn bulshooyinkooduna yihiin tuug iyo dhiigya-cab miidhan ah.

Waxaa kaloo intaas weheliyey ujeedo masiixiyad-faafin ah maadama ay ahaayeen Mustashriqiintaasi Wadaado masiixiyiin ah. Waxay si nidaamsan uga shaqeeyeen sidii ay sumcad-dil ugu samayn lahaayeen Islaamka iyo Muslimiinta, hababka ay u marayeena waxaa kamid ahaa; inay Caqiidada tashuush galiyaan; inay marin habaabiyaan waxkasta oo khuseeya caqiidada, taariikhda iyo xadaarada Islaamka.

2) Ujeedooyin Isticmaarsi:

Markii laga soo doogay dagaalkii Saliibiyada ee Masiixiyiinta reer Yurub ku qaadeen dhulka barakaysan ee Muslimiinta, ee ugu dambeyntii laga adkaaday Masiixiiyiinta. Dagaaladaasi muuqaalka guud waxay u ekaayeen kuwo lagu xaqiijinayo Istaraatiijiyad Diineed, laakiin xaqiiqadeedu waxay noqotay in ujeedada ugu wayni ay ahayd Isticmaarsiga dhulalka Muslimiinta.

Haddaba si ay ujeedadaas u gaadhaan waxay si qoto-dheer u darseen wax kasta oo ku saabsan dhulalkaas ay isticmaarsan doonaan. Arimaha ay darseen waxaa kamid ah Caqiidada; Dhaqamada/caadooyinka; Akhlaaqda; iyo Khayraadka dabiiciga ah. Si ay u ogaadaan meelaha ay bulshooyinkaasi u xooganyihiin iyo meelaha ay ka liitaan.

Talaabadooda labaadna waxay noqotay inay soo rogaal celiyaan iyagoo adeegsanaya awood ciidan oo dhulalkaas ay ku qabsadaan. Waxaa taana barbar socday shaqada Mustashriqiinta oo awooda saartay in si fikriya loo burburiyo ahaanshaha Islaamka ee dhan kastam(diin, dhaqan iyo akhlaaaq), si ay markaa ugu fududaato inay Muslimiintu dhan kasta ka duloobaan oo ay ka lunto isku kalsoonidoodii. Waa sababta ay markii dambe u abuurmeen qawmiyado/isiro iska soo wada horjeeda, halkaa ayay ku nuglaatay jiritaankii caalaminimo ee ummadda Islaamka, ilaa aakhirkii ay meesha ka baxday Khilaafadii ama Hogaankii guud ee Muslimiinta Caalamka ka dhexeeyey.

3) Ujeedooyin Baayac-mushtar:

Dhaqdhaqaaqyadii Mustashriqiintu waxaa sidoo kale daba ka riixayay dano baayac-mushtar, reer Galbeedku waxay rabeen inay badeecadahooda u suuq geeyaan Caalamka Islaamka. Sidoo kale inay qiimo aad u jaban Caalamka Islaamka kaga soo iibsadaan khayraadka dabiiciga ah ee qaydhin. Tan lafteeda kama ay madhnayn inay suuqa ka saaraan awooda warshadaynta alaabooyinka ee ay dalalkaa leeyihiin( waayadaasi farsamaynta ama warshadaynta alaabooyinka waxaa reer galbeedka kaga horumarsanaa Muslimiinta).

4) Ujeedooyin Siyaasadeed;

Markii dalal badan oo Islaam ahi xornimadooda ka qaateen Isticmaarkii reer Galbeedka, waxay dalalkii laga xoroobay ee reer galbeedku safaarado dhigteen wadamadii ay gumaysan jireen. Safaarad kasta waxaa la geeyey hawl-wadeeno afka dalkaas iyo dhaqankiisa si fiican u yaqaana. Sidaana waxaa ugu fududaaday inay xidhiidh raadayn xambaarsan la yeeshaan kooxaha kala duwan ee bulshada sida Mutacalimiita, Saxafiyiinta iyo Siyaasiyiinta. Si dhow baanay uga war helayeen afkaarta dalkaas taala, iyaguna waxay si fudud ugu dhex baahinayeen fikradahooda si ay ugu dambeynta dalkaasi ugu hagaan hanaanka siyaasadeed ee ay danaynayaan. In badan ayeynu aragnaa deganaan la’aan siyaasiya iyo qaybsanaan ka jirta dalalkaasi, iyo bulshada dhexdeeda oo ay kala qaybsanaan, taasi waa midhaha shaqada ay dalalkaas ka hayaan safaaradaha reer Galbeedku.

5) Ujeedooyin Cilmi:

Waxaa jira koox yar oo Mustashriqiinta kamid ah oo doonayay inay waxka ogaadaan Xadaaradaha, diimaha, dhaqanada iyo luqadaha/afafka umadaha kale. Kuwaasi waxaa ku yaraa gefafka cilmi ee ay Islaamka u geysteen. Waxay adeegsanayeen hab-cilmiyeed u saamaxay inay si dhab ah u kasbadaan aqoon huffan oo ku saabsan Islaamka iyo Fariinta uu u sido Caalamka iyo Bashariyada dhamaanteed. Nasiib daro kooxahan in badan oo wax-soosaarkooda cilmiyeed kamid ah waala qariyey waxaana lagala tacaalay in ay fursad u helaan ama waxka ogaadaan aqoonyahanka reer galbeedku.

Mahadsanidin dhamaantiin.

La soco qaybaha dambe…

W/Q: Dr.Mustafa Cabdillaahi Jaamac [Kaydsane]

Email: Musabjamal@gmail.com

Surpur, Bangladesh

Comments are closed