Islaamiyiinta Daacish Oo Gawracay Midkamid ah Muwaadiniintii Reer Japan ee ay Gacanta ku Hayeen
Mousil:Jan,25,2015(SDN/QJ)-Ururka Daacish, ayaa soo saaray Muqaal ay ku muujinayaan inay Qoorta ka gooyeen midka mid ahaa laba muwaadin reer Japan ahaa oo ay gacanta ku hayeen.
Gawraca ninkan ayaa ka dambeeyey markii ay dhamaadeen 72-saacadood oo u qabteen in xukuumadda Japan ku bixiso lacag dhan 200-milyan madax furasho ah siin.
Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sheegay in tani ay tahay wax aan la aqbali karin, isla markaana aanay isu dhiibi doonin Argagixisada.
Golaha Wasiirada Japan ayaa shir deg deg ah ku leh magaalada Tokiyo, iyagoo baadhaya dhab ahaanshaha muuqaalka mid ka mid ah muwaadiniintooda oo ay IS gowracay.
Shaki badan ayaa laga muujinayaa muuqaalka oo aan si rasmi ah uga dhex muuqan calaamada lagu yaqaan IS marka ay muuqaal soo bandhigayaan.
La heystaha labaad ee reer Japan Kenji Goto ayaa oo bandhigay isagoo haya sawirka Haruna Kuwaya oo meyd ah, isagoo ka dhinac muuqda.
Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Japan uu ka taageerayo baadhitaanka muuqaalka, isagoo u muujiyay Japan garab istaageeda dhinaca la dagaalanka Argagixisada.
Salaasadii la soo dhaafay ayay aheyd markii IS ay soo bandhigtay labada nin ee u dhalatay Japan, waxaana ay xilligaas dowladda Japan u qabteen 72-saacadood inay ku bixiyaan lacag madax furasho dhan 200-milyan, hadii kale ay dilayaan.
Tallaabadan ayaa jawaab u aheyd booqashada Ra’iisul Wasaaraha Japan uu ku marayay Bariga Dhexe, isagoo u balan qaaday dowladaha isbaheysiga ku ah la dagaalanka ururka Daacish lacag dhan 200-milyan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com