|

Isku milanka siyaasada iyo Shirkada la wada eegay ee Dahabshiil maxay sababi kartaa?

London August 03,2012(SDN)-Shirkada Dahabshiil ee ganacsiga kala duwan ku hawlan ayaa beryahan danbe saxaafada ku soo noqnoqoneysay,mar waxa ay aheyd weerar kii ay dhawaanta jacda ku siiyeen Kooxda u ololeysa cadaalada Ganacsiga iyo Dimuqraadiyada ee Anonymous.

Kooxdaa oo cadaalada ku raadisa sifooyin dibedda ka ah nidaamka sharciyeed ee caalamka oo ay qabaan in nidaamkaasi yahay mid ay abuureen sidaa darteedna u adeega maalqabeenada iyo shirkadaha waaweyn.

Kooxdan ayaa Dhabashiil ku dabakhday weerar ay sheegeen in ay ku qaadayaan shirkadaha gacanta siiya argegixisada caalamka.

Dahabshiil ayaase mudo sanado ah iminka ku soo noqnoqonayay hadalheynta Soomaalida ku kala nool mandaqada gaar ahaan kuwa kala jooga Soomaaliya iyo Somaliland oo labaduba uga cabanaya faro gelin dhinaca siyaasada iyo dhaqaalaha u badan.

Waxaanu dhawaan aragnay duqa magaalada Muqdisho Md Tarsa oo soo hadal qaaday isla markaana eedeeyay.

Waxaanu haatan maqleynaa eedo ka soo yeeraya madaxweyne Caalinka Galmudug oo ka cabanaya faro gelin siyaasadeed oo Dahabshiil maamulkiisa  ku sameeyay.

Waxaanu hore ula soconaa lacagaha uu Dahabshiil siiyay Xisbigii Kulmiye(Axmed Siilaanyo) xiliyadii doorashooyinka,oo u saamaxay in xilal wasiirnimo la siiyo qaar ka mid ah shaqaalihii iyo saamileydii shirkada.

Waxaa kale oo aanu la soconaa sida Dahabshiil qandaraasyada isdaba jooga ah uga helo madaxtooyada Somaliland iyo muranada xasaasiga ah ee ka dhashay qaarkood.

kolkaad eegto qodobadaa oo qura waxa la isweydiin karaa,shirkadu ma waxa ay doorbiday in sumcadeeda ay siisato nin jecleysi iyo buur sibidha?

Mise waxa la joogaa xili Shirkadu ay haatan gashay hoos u jeedsi iyo turun turo?

Si kastaba ha ahaatee waxaad moodaa in ay shirkada Dahabshiil haatan mareyso heer sidii ninkii dhegaha la’aa ee yiri”In aan gardaranahay waxaan ku gartay cid waliba aniga ayay farta igu soo fiiqeysaa.

Shirkada Dahabshiil waa shirkad taariikhdeedu ay ku lamaan tahay guulaha 20kii sano ee u danbeeyay ay reer Somaliland iskood u gaareen,waana shirkada Soomali leedahay ta u weyn,waxaadse moodaa mararka qaar in ay qoyska lihi ay u dhaqmayaan sidii dad ummadan dibada uga yimi oo aduun urursi u soo jeestay,inteese dhaqankaasii sii jiri karaa?

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed