|

isku duwaha arrimaha bini’aadannimo ee Qaramada Midoobay Philippe Lazzarini oo Kismaayo Booqasho ku Tagay

Kismaayo 16.Dec 2013 (SDN)- Wafdi uu hoggaaminayo isku duwaha arrimaha bini’aadannimo ee Qaramada Midoobay Philippe Lazzarini ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Philippe-Lazzarini-300x199Philippe Lazarini iyo madaxda maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ka wada hadlay arrimaha bini’aadannimada iyo sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa qaxootiga Soomaalida ee ka laabanaya xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee waqooyi bari Kenya.

Lazzarini ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in dib u dejin wanaagsan loo sameeyo qaxootiga go’aansada inay dib ugu laabtaan dalkooda, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda deegaannada Jubbooyinka ee uu ka taliyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba ayaa tilmaamay inay soo dhoweynayaan qaxootiga ku soo laabanaya dalkooda, iyagoo ka codsaday Qaramada Midoobay inay gacan ka geysato sidii dib u dejin iyo daryeel ay u heli lahaayeen kuwa soo laabanaya iyo kuwa ku barakacay dalka gudihiisa.

Kismaayo SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed