|

Isku dhaca Madaxweyne Erdogan iyo Ahmed Davutöglu,Qadiyadda Xudunta u ah Khilaafkooda Iyo Saamaynta ay Yeelanayso !!

Ankara 09.May 2016 (SDN/QJ):– Ka dib bilihii u dambeeyay khilaaf isasa soo tarayay oo ka dhex aloosnaa Madaxwayne Erdogan iyo raysal wasaare Davutöglu ayaa arbacadii ina dhaaftay soo ifbaxay ka dib markii labada nin ee u sareeya dalkan Turkey ( Erdogan iyo Davutöglu) yeesheen shir deg dega oo saacad iyo badh qaatay. Shirkan ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa kulan-khilaafeed (Crisis meeting), warbaahinta dalkan Turkey ayaa soo tabisay in kulan Erdogan kaga codsaday Davutöglu inuu xilka iska wareejiyo, halka Davutöglu uu isna balan qaaday inuu kursiga banayn doono 22 May 2016.

Erdogan vs DavutögluXidhiidhka Erdogan iyo Davutöglu ayaa sii xumaaday ka dib markii 10 cisho ka hor awoodaha raysalwasaaraha ku leeyahay xisbul Xaakimka AKparti si wayn loo dhimay mar uu ku maqnaa dalka Qatar.

Maxaa la Isku Haystaa?

Sida dadka faaleeya arimaha dalkan Turkey sheegayaan sartu waxay ka qudhunsan tahay awood wadaaga Raysal Wasaaraha iyo Madaxwayne oo labada nin si wayn isugu maandhaafsan yihiin. Way jiraan arimo arimo kale oo ku kala aragti duwan yihiin, sida kacdoonka Kurdiyiinta laakiin kuwaasi maaha qaar ay sidaa ugu kala fog yihiin.

Waxa xusid mudan in kursiga madaxwaynaha Turkey uu yahay mid mansab sharafeeda oo aan awood buuran lahayn, waa sida uu dhigayo dastuurka milatarigu meel mariyay sanadkii 1980, markaas oo dalka afgambi uu ku qabsaday general la odhan Kenan Evran. Awoodaha madaxwaynaha Turkey waxay ku eg yihiin:

  1. Inuu ka war hayo ku dhaqanka dastuurka.
  2. Magacaabida gudoomiyeyaasha Jaamacadaha.
  3. Furida baarlamanka marka uu bilaabmayo kalfadhi sanadeedku.
  4. Isku haynta iyo wada jirta dadka iyo dalka.
  5. Ku baaqida shirarka aan caadiga ahayn ee baarlamanka marka loo baahdo.
  6. Magacaabida xaakimada qaar iyo arimo kale oo aan sidaa u sii ridnayn.

Hadaba, Erdogan oo loo doortay madaxwaynaha dalkan Turkey August 2014, ka dib 12 sano oo uu ahaa Raysal Wasaare, maaha nin ku qanacsan awoodaha kooban ee dastuurku siinayo. Waxa xusid mudan in markii uu u ordayay kursiga Madaxwaynaha inuu bulshada reer Turkey u cadeeyay inuu nidaamka wadanka u badali doono mid madaxwayne ( başbakan sistemi) islamarkaana laali doono nidaamka maanta lagaga dhaqmo dalkan Turkey oo ah mid baarlamaaniya, si taas loo sameeyo waxa muuhima in dastuurka la badalo oo mid cusub la meel mariyo.

Dastuurka Si Loo Badalo Maxaa Loo Baahan Yahay?

Ka dib doorashadii baarlamaanka ee dhacday bishii June 2015 xisbiga Akparti wuxuu helay 258 kursi barlaaman, doorashadaa kuraasta uu helay xisbga Akparti may ahayn qaar ku filan inay dawlad aan wadaag ahayn dhisaan, 276 kursi xibiga hela uunbaa dhisi kara dawlad aan wadaag ahayn. Waxa kale oo ay is fahmi waayeen xisbiyada kale ee kuraasta helay si loo dhiso dawlad wadaaga, doorasho lagu celiyay November 2015 waxay heleen 316 kursi baarlmaan, taasi waxay awood u siisay inay dhistaan dawlad aan cidina la wadaagin.

Dastuurka si loo badalo waa in laba talaabo midkood la qaadaa.

  1. Waa in baarlamanku 2/3 majority oo u dhigmaysa 366 cod ku ansixiyaa in dastuurka la badalo. Tirada intaa leeg ma haystaan, islamarkaana xisbiyada kale ee kuraasta ka helay baarlamanka, CHP, 134 Kursi, HDP, 59 Kursi iyo MHP, 41 ayaa dhamaantood isku dhaarsaday in Erodogan laga hor joogsado inuu dastuurka badalo.
  2. Waa in Dastuurka afti dadwayne loo qaadaa, si taas loo sameeyo waa in xisbiga Akparti haystaa 330 kursi barlamaan, taana mahaystaan wakhtigan.

Ka dib markii labadii fursadood ee uu dastuurka ku badali lahaa islamarkaana awoodiisa ku kordhisan lahaa kasoo xidhmeen, Erdogan waxa la sheegayaa inuu bilaabay inuu maamulka gacan togaaleeyo oo uu qaado talaabooyin aanu jeclaysan Raysal Wasaare Davutöglu. Waxa xusid mudan in 12 sano oo Erdogan dalka Raysal wasaare ka ahaa inuu isagu dawlada maanta jirta halka u saraysa ilaa halka u u hoosaysa soo dhisay, waxa intaa dheer inuu Erdögan siyaasada kusoo daray Davutöglu oo hore u ahaan jiray Professor ka hawl gala Jamacada Middle East Technical University iyo qoraa buugtiisa dalkan Turkey aad looga akhristo.

Davutöglu Ayaa Badali Doona?

Laba nin midkood ayaa la sheegayaa inay badali doonaan Raysal Wasaare Davutöglu, waa wasiirka tamarka, Berat Al-Beyrak islamarkaana ah ninka qaba gabadh uu dhalay Erdogan oo la yidhaa Esra. Ninka labaad ee xilkan loo saadaalinayaa waa wasiirka gaadiidka Yildrim.

Khilaafkan Maxaa Ka Dhalan Kara?

  1. Militariga Turkiga waxa lagu yaqanaa inay yihiin qaar aan ka khashaafin inay inqilaab dhigaan marka siyaasiyiintu is qabsadaan, waxa la sheegaa in Ataturk oo ahaa aas aasihii jamhuuriyada cusub ee Turkey uu militariga kula dardaarmay inay maamulka dalka la wareegaan marka loo baahdo, sidaa awgeed waxa inqilaabyo joogto ahi dhaceen 1960, markii la inqilaabay dawladii Adnan Manderes iyo Celal Beyar, 1971 waxa la inqilaabay dawladii Süleyman Demirel oo ay xilka kala wareegeen Bülent Ecevit iyo ismet inonu, 1975 waxa doorasho ku soo noqday Süleyman Demirel, 1980 waxa hadana inqilaab kale xilka lagaga tuuray Süleyman Demirel, waxa xilka la wareegay general la odhan jiray Kenan Evran, oo dalka gacan bira ku qabtay. Marka kale waxa inqilaab dhacay 1997, markaas oo la inqilaabay dawladii Necmetin Erbakan.

İntii Erdogan joogay dhowr goor way dhacday in la mijo xaabin lagu dayo, mararka uu sigtay waxa kamid ahaa 2008, isaga oo jooga Spain uu ku dhawaaqay in dumarku xaq u leeyihiin inay siday doonaan u labistaan, marka kale 2013 waxa isku dayay inay Erdogan fashiliyaan qolooyin wadaado ah oo uu gacan saar hore ula lahaan jiray oo la yidhaa Kimzes Yok mu. Laakiin tani waxay noqon kartaa marmarsiyiihii ugu waynaa ee Militarigu u helo inuu Erdogan iyo dawladiisa mijaxaabiyo.

  1. Waxa dhici karta in dhaqaalaha kor u kacayay tan iyo markii Erdogan xilka qabtay uu hoos u dhac ku yimaado.
  2. Dad badani waxay aaminsan yihiin inay soo laaban doonaan mudahaaradyadii wadankan hafiyay xagagii 2013, mudaharadada ayaa loo yaqanaa qulqulatooyinkii Taksim square, Gezi park iyo Kizilay Meydani.

Erdogan Muxuu Doonayaa?

Sanadka 2023 waa mid si gaara ugu calaamadsan dalkan Turkey, waa 100 sano guuradii kasoo wareegtay markii la aas-aasay Jamhuuriyada cilmaaniga ah ee Turkey sanadkii 1923, sidaa awgeed, Erdogan oo inta badan dadwaynaha Turkey aaminsan yihiin inuu gaadhay guulo aanay gaadhin dhamaan madaxwayneyaashii dalkan soo maray oo la isku wada daro, wuxuu rabaa inuu fantasyahaasi noqdo mid si wayn loogu soo bandhigo guulihiisa dhaqaale, siyaasadeed iy bulsho, dabadeed uu sidaa taariikhda ku galo.

Hadii uu xilka ka tago ama awoodiisu gaadhi waydo inuu guulihiisu noqdaan qaar xuskaa si way loogu so qaado, wuxuu aaminsan in waxqabadyadiisa meesha laga saari doono.

Dad badan ayaa aaminsan in 2023 wixii ka dambeeya uu qorshanayo inuu xilka iskaga tagi doono gabi ahaanba.

W/Q: Axmed M. Maxamuud (Champion)

Comments are closed