Iska Hor imaad Maanta Ka Dhacay Deegaanka Degmada Adhi Cadeeye ee Gobolka Sool Iyo Lix Qof oo Ku dhaawacmay
Adhicadeeye 04. June 2017 (SDN/QJ):- Ugu Yaraan Lix qof ayaa ku Dhaawacmay Kadib Markii iska hor imaad uu maanta ku dhex maray Laba ardaa oo wada dega Deegaanka Degmada Adhicadeeye Ee Gobolka Sool.
Taliyaha Ciidamada Booliska ee Gobolka Sool Kornayl Ibraahin Jaamac Daad, Oo Isaga oo ku sugan degmada Adhicadeeye ayaa Khadka Telefoonka Wuxuu noogu Xaqiijiyey in shilkaasi oo ku soo beegmay xili ay socotay xafladii gabogabaynta ee nabadaynta labadii beelood ee kale ee koonfurta Gobolka Sool dhibaatadu ku dhexmartay.
Taliye Ibraahin Jaamac Daad, waxa kale oo uu sheegay in lixda qof ee dhaawaca ah uu laba kamida dhaawacoodu culusyahay amaanka Magaaladana ay gacanta ku hayaan Ciidamada qaranka iyo kuwa Booliska oo is kaashanaaya.
Faahfaahinta wararka ka soo kordha dhacadan waxa aad kula socon doontaan wararkayaga danbe.