Iska hor Imaad Biyaha khaliijka Ku Dhexmaray Maraykanka iyo Iran
Hargaysa 18. June 2017 (SDN/QJ):- Iska hor Imaad ciidan ayaa Biyaha khaliijka Ku Dhexmaray ciidamo ay kala leeyihiin dalalka Maraykanka iyo Iran ka dib markii doon kuwa dagaalka ah oo aagaa ilaalo ka haysay ay shucaaca laysarka ku furtay labo maraakiibta dagaalka ee maraykanka ah oo baddaa maaxayey iyo diyaarado dagaal oo halkaa duulayay.
Maraykanku waxay talaabadaa ku sheegeen mid khatar ah, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen taliska ciidamada marines-ka Maraykanka ee Bariga dhexe, waxana bayaankaa lagu sheegay in doonta Iran leedahay ku soo dhowaatay maraakiibta Maraykanka dabeetana shucaaca laysarka ku furtay labo baylood oo duulinayey diyaarado isla Maraykanku leeyihiin oo maraakiibtaa wehelinayey, shucaaca oo keeni karayey inuu khaldo oo majaro habaabiyo duuliyayaashaa oo xidhnaa muraayadaha habeenkii wax lagu arko.
Bayaanka waxa lagu sheegay in Doonta dagaalka ee iran leedahay ay masaafo 700 talaabo ah u soo jirsatay markabka Maraykanka ee USS Bataan, dabeetana ay shucaac ku furtay.