Isis Oo Oday 62-jir ahaa Kasoo Tuurtay Dabaq Dheer Kadib Markii Lagu Eedeeyey Falalkii ay Ku Sifoobeen Qoomkii Reer Luud
Mousil:Feb,01,2015(SDN/QJ)-Islaamiyiinta Daacish eek a dagallama Dalalka Syria iyo Ciraaq, ayaa si arxan darro ah u dishay oday da’ ahaa oo ku noolaa Gudaha Deeggaano Syria ku yaalla ay kooxdu gacanta ku hayso.
Daacish ayaa ninkani kasoo tuurtay aqal 7-daba ah, kadib markii ay ku eedeeyen in isaga iyo ruux kale ay sameeyen fal fool-xumo badan oo ay ku kici jireen “luud”, taas oo ah wax anshaxa islaamka si weyn uga fog.
Daacish ayaa sheegtay in Ogayga uu qirtay sameynta falkaasi sidaa darteedna ay ku xukumeen in laga soo tuuro dabaq dheer, halka ruuxa kalane ay gacanta kusoo dhigeen balse ay ku hayaan baadhitaano intaa kasii dheer.
Dhanka kale, Kooxda Daacish ayaa Sawirada iyo macluumaadka la xidhiidha dilka Odaygaasi ku soo daabacday Barta ay Twetter-ka ku leeyihiin.
Hore ayey kooxdu goob fagaare ahayd oo ku taallay dalka Ciraaq waxa ay Dabaq dheer uga soo tuureen Laba nin oo falalkan foosha xun lagu eedeeyey, waxana arrintaasi soo jiidatay indhaha bulshada caalamka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com