|

Isbedelka Radio Muqdisho Iyo SNTV: Wasiirka Hada ‘Dhuxulow’ Ku Kordhiyey Oo Ka Duwan Tii Wasiirkii Hore ‘Ciilmooge’

Markii xilka Wasaarada Warfaafinta iyo Boostada loo dhiibay Wasiir Ciilmooge, ayaa QurboJoogta magaalada Minneapolis, ee gobolka MN, aad ugu faraxeen magacaabistiisa. Waxayse Qurbojoogta ku talinayeen in magaca dowrka QurboJoogtu usan noqon dad talada dalka loo dhiibo, isla markaana, waxna aan ku soo kordhin wadanka.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa isla markiiba bilaabatey hadal hayntii wax qabad la’aantii riday Xukuumadii Wasiirkii Kowaad ee Saacid. Waxaa xaqiiqo ah in Xukuumadii Saacid aysan helin Wasiiro aqoon iyo waayo aragnimo u leh xilalkooda, madaama inta badan lagu keenay magac qabiil iyo xukun qaybsi degdega ah. Inkastoo Wasiirada Xukuumadii Saacid oo dhan ay ka sinaayeen wax qabad la’aanta, hadana waxaa wasiirkasta, oo xil loo dhiibo, waajib ku ah in xilka qaran iyo hor u marka wadanka ka shaqeeyo.
Si kastaba ha ahaatee, Xukuumada hada jirta ee AbdiWeli – Wasiirka ay u magacoway Wasaarada Warfaafinta, ayaa u eg Wasiir isbadel samaynaya. Waxaana marag madoonta ah in Radiyo Muqdisho markii Wasiir ‘Dhuxulow’ uu qabtey uu ku talaabsaday isbadel la xariira hor u marinta iyo niyad-u-dhiska-wariyaasha – taasoo kor u qaadaysa wax qabadka wariyaasha markasta qarka u saaran halista naftooda iyo dadkooda ka timaada dilalka Alshabaab iyo kuwa siyaasadaha ku saleesan.
Isbedelka laga dareemay Radiya iyo TVga qaranka waxaa ka mida, wararka muhiimka ee shabakada Radio Muqdisho daabacdo. Sidoo kale, waxaa in la xuso mudan in Shabakada Radiyaha iyo SNTV, ay bilaabeen in ay ka hadlaan wariyaasha u shaqeeya hay’adaha wararka ee madaxbanaan waxyeelada kasoo gaarta howsha ay dadwaynaha Soomaaliyeed u qabtaan. Waxay kaloo shabakada Radiyaha iyo SNTV bilaabeen in ay ka hadlaan wararka la xariira hor u marka dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed ee maamul goboleedyada hada jira.
Dhinaca kale, waxaa mudan in aan wax ka xuso dhaliilaha hada jira. Waxaan aan ku bilaabi lahaa hadalkayga maahmaahdaan: ‘Faanoole Fari Ka Qodnayn’ maxaa yeelay shabakada ayaa weli dadwaynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan QurboJoogta, ay ku tuhmaayan in wararka lagu daabaco shabakada aysan wariyaashu u madaxbanaanayn. Waa sida maahmaahda aan kor ku xusay nabaraysee, waa in laga hadlaa sidii ay wariyaasha Radiyaha iyo TVga qaranka xor ugu noqon lahaayeen wararka ay tabiyaan, si Radiyaha iyo TVga qaranka uusan u noqon qolka faafinta waraka dowlada oo keli ah.
Mida kale, shaqaalaha shabakada iyo SNTV, oo ay ku jiraan dadka u fadhiya dibadana, ayaa mudan in dib u eegis lagu sameeyo, si aysan u noqon shaqaalaha kuwo xulufo ama qaaraybasi lagu shaqaaleeyey, isla markaana ay hay’ada wararka Soomaaliyeed ay u ahaato mid matasha Soomaali oo dhan.
Waxaa soo aruuriyey: Mohamed Barre – Junlay ‘Buluf’ oo ah qoraa madaxbanaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com

Comments are closed