|

Isbedelka Ka Falkinta Siyaasadda & Siyaasi Markii Hore Ku adkaa Khaatumo Iyo Soomali weyn oo Yaqiinsaday Halka ay Dantiisu ku Jirto, Si Cadna u Iftiimiyey Cida Khaatumo Dhagaraha u Maleegaysa & Weriye Dhinac ah oo Dagaal ka Muuqdo DAAWO

Minnesota 04. July 2017 (SDN/QJ):- Waa Dabeecada basharka inaanu Taagnaan halkii uu Shalay Taagnaa, Markasta oo ay Aqoontu Korodho Fahamka Garaadka Qofkuna Wuu Kordhayaa,Waayo Ma aha aayad qur’aan ah inuu halkaas taagnaado, hadii uu Shalay u arkayay inay sidan ugu badinayso Wuxuu Maanta is tusay inaanu ka Warwareegin Xaqiiqada hortiisa Taala.

Cabdi Aar Cabdi Waa Suxufi hore Wuxuu ka mid yahay Saraakiisha Khaatumo Wuxuu ka hadlay Wada hadalka u Socda Somaliland Iyo Khaatumo Wuxuu si dhab ah isu dul taagay Sababaha Keenay Wada hadalkan Waxa uu Carabka ku Xejiyey in aanu ilmihiisa amase ubadka Khaatumo la rabin dagaal isagoo sheegay inay marar badan u garaaceen Durbaanka Colaada hasa yeeshee aanay helin cid garawsata,Wuxuu iftiimiyey in danta bulshada Khaatumo ay ku Jirto sidii ay wax ula wadaagi lahaayeen Shacabka Somaliland oo Xidhiidh dheer oo wada dhalasho uu ka dhaxeeyo waxa uu dhanka kale duray Siyaasada Maamul goboleedka Punt Land oo uu Sheegay inay rabaan inay Magaaladda Buuhoodle ka ridaan Dagaal eheli, isagoo cadeeyay inaan maanta la Joogin Xiligii Wiil ku dhiman lahaa dagaal.

 

Waxa uu Suxufi hore Cabdi Aar Cabdi ku qiimeeyay Wada hadalkan labada dhinac u socda mid bidhaantiisu yididiilo wanaagsan ay leedahay isagoo Sheegay in markii hore Qayb ka mid ah Eheladiisa oo degan Degmada Qorilugud oo Masaafo kooban u jirta buuhoodle aanu awood inuu u tago Balse uu Maanta Nasiib u helay inuu u Socdaali karo.

Waxaa Inta uu Xogwaranku Socdo kuu Soo Baxaysa in Weriyaha Waraysiga Qaadayay Yaasiin Ducaale ay ka Muuqatay Caadifad iyadoo hadalkiisa iyo Su’aashiisa laga dhadhasan karo inuu taageersan yahay Maamul Goboleedka Punt land Iyo Somalia Isla Markaana ay Su’aalihiisu hal dhinac ka wada imanayeen.

Comments are closed