|

“Isbeddelkii, qof baanu meesha ka qaadnay, qof kalena waanu keennay Laakiin…” Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse

Hargeysa, 09 Feb, 2015 (SDN/QJ)- Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse) oo ka tirsan Siyaasiyiinta Ruug-caddaaga ah ee Xisbiga Kulmiye isla markaana kaalin muhiim ah ka soo qaatay halgankii uu talada dalka ku hantay Xisbiga Kulmiye, ayaa markii u horeysay ka hadlay sababta uu uga dhex-muuqan waayey siyaasadda dalka.

IskeerseMaxamed Cabdi Iskeerse oo muddo badan soo hayey Xilka Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Kulmiye muddadii uu xisbigaasi ogolaha ugu jiray hanashada hoggaanka dalka, ayaa mar kaliya laga dhex-waayey masraxa siyaasadeed ee Xisbul-xaakimka iyo loolankiisa, kaddib markii uu Madaxweyne Siilaanyo ku fadhiistay kursiga hoggaamineed ee dalka, iyada oo la filayey inuu safka hore kaga jiro doono Wasiirradii ugu horreeyey ee madaxweynuhu magacaabo sannadkii 2010-kii wakhtigaas oo Kulmiye ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26 June ee isla sannadkaas.
Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse waxa uu sheegay in isbeddel majaraheedii ka leexiyey oo aanu la jaan-qaadi karin, taasina ay sababtay inu si ku-meel-gaadh ah uga nasto, waxaanu isbeddelkaas ku yimi siyaasadda dalka ku sheegay mid ka shidaal-qaadanaysa saamaynta qabyaaladdu ku yeelatay dalka.
“In badan baan ku jiray (Siyaasadda) ilaa bilowgii SNM, hase ahaatee ilaa immika anigu shakhsi ahaan Khasaare kala kulmin. Sidii baan ugu jiray siyaasadda iyo buuqeeda, laakiin immika siyaasadda Afrika, siyaasad maaha! Waa siyaasad qudhmuun. Immika waxaan ka tanaasulay oo aan uga nastay bahashii Qabyaalad bay noqotaye inta ay ka baxayso qabyaaladda inaan ka yar fadhiisto, laakiin bahasha lagama gaboobo, lagamana daalo, waxaanan u nasanayaa inta bahashu ku soo noqonayso majaraheedii siyaasadeed ee xisbigu ku noqonayey Xisbi Qaran, mucaarad ha noqdo ama muxaafad ha noqdee, ninka wax doonayaana aanu qabiil dabada soo geline ee uu iskii u yimaaddo,” sidaas ayuu yidhi Maxamed Cabdi Iskeerse oo shalay magaalada Hargeysa ugu warramayey telefishanka STAR.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Bahashii (Siyaasadda) waxaan nacay markaan arkay nin dhan oo masuul ah oo xukuumad ku jira ama madax-dhaqameed ah uu soo hadal-qaado oo uu yidhaahdo ‘annagoo reer Hebel ah’. Markaa wakhtigii Illaahay igu simo, marka ay fool-xumaddaasi ka baxdo, ayaan ku soo noqon doonaa, laakiin immika si ku-meel-gaadh ah ayaan hawl-gab uga noqday bahashaas (Siyaasadda).
Maxamed Cabdi Iskeerse waxa uu ka warramay wada-shaqayntii iyo taageeradii soo dhex-martay madaxweyne Siilaanyo wakhtigii ololaha hanashada kursiga, waxaanu ydihi, “Siilaanyo intii uu halganka kursi-doonka ah ku jiray, aad baan ula shaqeeyey, haseyeeshee umaan halgamaynin inaan Kursi fuulo, waxaygu kursi-doon ma ahayne, isbeddel-doon ayay ahayd. Isbeddelkii wuxuu dhalay, qof baanu meesha ka qaadnay, qof kalena waanu keennay, laakiin waxaan Illaahay ka baryayaa oo aan jecelahay in wixii aanu u keenay ay Boqolkiiba-boqol rumoobaan.”

Comments are closed