ISBARBARDHIG: WASAARADII WAXBARASHADA EE XUKUUMADII HORE IYO TAN IMINKA FARQI WAYN BAA U DHEXEEYA
MARKA HORE ILLAHAY BAA MAHAD LEH, MARKA XIGA WAXAAN HANBALYAYNAYAA HOGAANKA WASAARADA WAXBARASHADA EE JSL WAAYO QOFKA AAN DADKA U MAHADIN ILLAAHAYNA MA MAHADIYO QOF WALBANA IN WAXQABADKIISA LAGU BOOGAADIYO AYUU MUDAN YAHAY SI UU UGA SII BADIYO AMA AANU UGA CAAJISIN HAWSHA UU HAYO FIRFIRCOONI BADANA SII GASHO, WALIBA WUU KA SII XAG JIRAA QOFKA XIL-U-HAYA SHACABKA OO MASUULKA AMA XAAKINKA DALKU U IGMADAY INUU MEEL MAAMULO SIDA WASAARAD, WAKAALAD AMA XAAYAD DAWLADEED NOOC KASTA HA AHAATEE, MASUULKA KA SOO BAXA XILKIISII EE SI WANAAGSAN U GUTAA WUXUU MUDAN YAHAY IN LAGU BOOGAADIYO LANA AMAANO, HALKA AY CAADO INUU NOQOTO INAYNU UGAADHSANO KUWA KA SOO BIXI WAAYA SOO KALIYA LANA ILAABO KUWA KA SOO BAXA EE WANAAGSAN EE KU SUNTAN XIL-KASNIMO, DAACAD IYO AMAANO.
MARKA CIWAANKA LA ARKO QOFKA AKHRISTAYAASHU WAXAY U QAADANAYAAN INAAN QALINKA U QAATAY INAAN LABADA MASUUL EE WASAARADA WAXBARASHADA ISAGA DANBEEYEY EE KA KALA TIRSANAA LABADA XUKUUMADOOD AAN MIDNA DHALIILAYO MIDNA AMAANAYO, BALSE ANIGU KUMA SIFOOBO INAAN QOFNA CAAYO QOFNA U GUULWADEEYO, KALIYA WAXAAN SHEEGAYAA LABADA MASUUL KA XILKIISII KA SOO BAXAY IYO KA DAYACAY, ANIGOO WALIBA ARIMO XAQIIQ AH TUSAALE U SOO QAADANAYA.
WASAARADII WAXBARASHADA EE XUKUUMADII HORE WAXAY KU GUULDARRAYSATAY INAY KASOO BAXDO MASUULIYADDEEDII SABABAHAN AWGEED:
- Gaadhsiinta ama fidinta adeegyada waxbarasho dhammaan gobolada, degmooyinka iyo xaafadaha magaalooyinka Somaliland, waxaan arintan daliil usoo qaadanayaa dugsi la’aan ka jirtay degmooyinka qaar iyo kuwii dhisnaa oo hayado samofal ah dhiseen oo aanay suuro galin in la furaa. Iska odhan maayo uun dugsiyo ee waxaan anigu ka markhaati ahay dugsiga la yidhaahdo WARANCADE SECONDERY SCHOOL oo aan la furin ilaa ay meesha ka baxday wasaaradii waxbarashada ee xukuumadii hore, iminkana shaqeeya.
- Dhiiri galinta ardayda dhamaysata heerarka kala duwan ee waxbarasho sida dugsi hoose/dhexe iyo sare ilaa jaamacad, kuwaas oo aan haba yaraatee wax dhiiri galin ah aan ka heli jirin wasaaradii hore, xasha’e iska odhan maayo ee iga qabo arintan aan anigu goob-jooga ka ahaa: 2007 ayaan ka baxnay dugsiga sare ee GACANLIBAAX waxaanu ku guulaysanay dhawr kaalmood oo ka mid ah tobanka hore, oo uu ku jiro kii 1aad iyo 3 kaleoo midkood gabadh ahayd oo ka mid ah TOP TEN-KA waxaanu damacnay inaanu iskayo isu xilqaano oo ardaydaa dhiiri galino oo xaflad u qabano, waxaanu samaynay invitations-kii waanu qaybinay oo ilaa wasiiro aanu u gaynay, markii aanu u gaynay wasiirkii {XASAN GADHWEYNE} ayuu si toos ah nooga hor joogsaday oo uu ku andacooday mucaaradka ayaa xafladda ka soo qayb galaya oo halkaa naga caayaya.
- Fee-ga dugsiyada oo marba marka ka danbaysa wuu sii kordhayay xilligaas, iyo dhaliilo badan oo aanan halkan kusoo koobi Karin iminka.
WASAARADda WAXBARASHADA EE XUKUUMADDA IMINKU WAXAY KU GUULAYSATAY INAY KASOO BAXDO MASUULIYADDEEDII SABABAHAN AWGEED:
- Gaadhsiinta ama fidinta adeegyada waxbarasho sida furitaanka dugsiga aan hore ku soo xusay ee WARANCADE SECONDARY SCHOOL.
- Dhiiri galinta ardayda dhamaysata waxbarashada oo qaarkood loo diro scholarships, qaar kalena xaflado wanaagsan loo qabto oo la bogaadiyo dadaalka ay u soo galeen dhamaystiranka heer ka mid ah waxbarashadooda laguna dhiiri galiyo inay sii wataan, waxaan tusaale u soo qaadanayaa halka kuwii hore ay xafladaha waxbarashada ku saabsan ay joojin jireen wasaaradan iminku iyadaa hogaanka u qabatay xusidda maalintii AABAHII WAXBARASHADA SOMALILAND OO AY WASAARADDU DOOR FIICAN KA QAADATAY XAFLADII U DANBAYSAY EE KA DHACDAY JAAMACADA HARGEISA waxayna u aqoonsatay MAALINTA WAXBARASHADA SOMALILAND OO SANNAD WALBA LA XUSI DOONO June 3, 2012 oo ku began maalintii uu dhintay MAXAMUUD AHMED CALI, aabihii waxbarashada Somaliland.
- Fee-ga dugsiyada H/Dhexe oo laga joojiyay dugsiyada in laga qaado ardayda dhamaan, waxaa kaloo jira waxyaabo badan oo talaabo fiican ah oo ay ku talaabsadeen hogaanka wasaaradda waxbarashada JSL oo ay u horayso wasiiradda Marwo ZAMZAM CABDI ADAM.
WAXAY MUHIIMADA QORAALKAYGANI AHAYD INAAN BOOGAADIYO HOGAANKAAS AAN KOR KU SOO XUSAY KUWA KALE EE XILAL DAWLADA KA HAYANA AAN IDHAAHDO HA LAGU DAYDO OO XILKA HALAGA SOO BAXO WAAYO WAA MASUULIYAD BARITO LAGU WAYDIINAYO OO ADOO INTAN KA ITAAL YAR LAGAA XISAABINAYO ADDUUNKA IYO AAKHIROBA. WAANAN IDIIN DUCAYNAYNAA “NIN XIL QAADAY EED QAAD” BAA LA YIDHIYE ALLE HA IDIIN FUDUDEEYO.
MAHADSANIDIIN
ABDILLAHI ADAM CAABI
4427115