|

“Isbahaysigu Waa Niman aanu meel ka soo wada shaqaynay, oo aanu difaac soo wada galnay, laakiin waxa aan leeyahay khalad wuu dhacaa , laakiin waxa xasanaad badan in qofku uu qirto khaladkiisa” Wasiir Caddami

Hargaysa 29.Decembar 2015 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ay wadaan qorshe ay doonayaan in  magaca Xisbiga Kulmiye ay kaga mamnuucaan Isbahaysigii qaadacay Shirkii Golaha Dhexe ee lagu doortay Musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Kulmiye ee Doorashada 2017-ka, waxaanu farriin u diray siyaasiyiinta isbahaysiga samaystay.

CADAMIIWasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Ciidamada kale duwan ee Somaliland u diray baaq uguna baaqay in sida ugu wanaagsan ula dhaqmaan Bulshada, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay isagoo ciidamada la hadlaya “Ciidamada oo dhan meel kasta oo ay joogaan waxa aan ugu baaqaya cadaadii wanaagsanayd ee lagu yaqaanay ku dhaqmaan, oo hadba dadka ay la joogaan si wanaagsan ula dhaqmaan, haddii ay nabadgaliyo daro dhacdana waa mid ay Ciidamada canaani u dheer tahay, oo mar kasta Ciidanku ha muujiyaan dhaqankii wanaagsanaa ee lagu yaqaanay.”

Wasiirka Gaashandhiga ayaa mar aanu wax ka weydiinay wararka sheegaya in Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ay wadaan qorshe magaca Kulmiye lagaga mamnuucaya Isbahaysigii Kulmiye ayaa ku jawaabay sidan “Jaraa’idka ayaan ku arkay, laakiin Shirka  warkani ka soo baxay ma ogi,warqad ay ku qoran tahayna maan arag, Shirkii Golaha Dhexe ee kulmiye muddo ayaa ka soo wareegtay. Isbahaysigu iyaga laftoodu dad wax ma garato ah may ahayn oo Rag waaweyn ayaa ku jira, ee xaqiiqadu wax qarsoomi kara maaha, ee in runta laga sheego ayaa wanaagsan, xaqiiqadu wax lagu dheel-dheelo maaha,Xisbi iyo Dawladdiisa ka tagistoodu wax hawl yar maaha, u soo noqodkooduna wax fudud maaha, laakiin qofka damiirkiisa wax wanaagsan u akhriya waxa xun ficil shaydaan ayaa lagu nisbeeya, balse saamaxadu mar walba wey furan tahay. Laakiin Nimankaasi  waa niman aanu meel ka soo wada shaqaynay, oo aanu difaac soo wada galnay, laakiin waxa aan leeyahay khalad wuu dhacaa , laakiin waxa xasanaad badan in qofku uu qirto khaladkiisa, kana qirto dadka hortooda, kadibna uu ka ficil galo sidii uu uga gudbi lahaa marxalada gefka ah ee uu galay”

 

Comments are closed