Isbahaysiga Xisbiyada Bahoobay Ee Dalka Djibouti, Oo Isku Raacay Musharaxnimada Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle DAAWO
Jibouti,9Jan,2016(QJ/SDN)-Dhowaan ayay ahayd kadib markii shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ay ka codsadeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in uu markale isku soo sharraxo xilka madaxtinnimo ee dalka Djibouti iyadoonna intaasi ka dib uu madaxweyne Geelle sheegay in uu aqbalay codsiga uga yimid shacabkiisa.
Haddaba, waxa maalinkii shalay magaalada Jibouti ka dhacay shir ay iskugu yimaadeen Xisbiyada Isbahaystay Ee Dalka Djibouti iyagoona isku raacay murashaxnimada Madaxweyne Geelle.
Shirkaasi ayaa waxa goob joog ka ahayd marwada Dalka Djibouti Marwo Khadra Xeyd.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Warkaasi;
Qurbejoog.Com
Hargeysa,Somaliland