|

Isbahaysiga Burburinta Doorashada Soomaaliya oo Bayaan 7 Qodob ah ka Soo saaray Muqdisho,& Siyaasiyiinta S.land ee Muqdisho Ku Sugan oo Sheegay inay Si Buuxda Midnimada Somalia Ugu Hawlgalayaan

Muqdisho 25. December 2016 (SDN/QJ):- Siyaasiyiin iyo Masuuliyiin u dhashay gobollada Somaliland oo xilal ka haya dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-goboleedka Puntland oo kaashanaya Odayaal iyo Xubno isku sheegay inay Wakiil ka yihiin Beelaha Somaliland, ayaa bilaabay Olole iyo qorshe uu Maamul-goboleedka Puntland doonayo inuu khilaaf ku abuuro, isla markaana ku fashilo doorashada gebo-gabada ku dhaw ee Aqalka hoose iyo ta Aqalka sare ee Baarlamaanka Federalaka Soomaaliya iyo sidoo kale qabsoomidda doorashada Madaxweynaha oo u muddaysan 27-ka bishan aynu ku jirno ee December oo saddex maalmood innaga xigaan.

Maamul-goboleedka Puntland oo adeegsanaya Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaas Cabdikariin Xaaji Cabdillaahi Cumar (Ina-Camay) iyo Xubno kale oo u dhashay gobollada Sool iyo Sanaag oo Baarlamaanka Puntland Xildhibaanno ka ah oo maalmo ka hor Muqdisho tegay, ayaa is-bahaysi ay u muujinayaan inay Xaq ka maqan la soo dhicinayaan la sameeyey Xubnaha Somaliland ka soo jeeda ee Xilalka ka haya Soomaaliya iyo Qabqablayaal Oday-dhaqameedyo iyo Wakiillo Beelaha Somaliland ka socda isku sheegay, waloow qoraalka mooyee aanay Magacyada Xubnaha Saxeexay Bayaan ay Isbahaysiga Puntland iyo Soomaaliya ee ay kala jilayaan Xubnaha Somaliland u dhashay ee Xilalka ka hayo Muqdisho iyo Xubnaha Somaliland u dhashay ee xilalka ka haya Puntland wada-jir u saxeexeen, haddana waxa qoraalka lagu sheegay in Madaxda Dhaqanka, Wakiillada iyo Wax-garadka Somaliland u dhashay ee Soomaaliya jooga iyo Siyaasiyiinta xilalka aynu kor ku xusnay Maamullada Garoowe iyo Muqdisho ka hayaan Shirar ay yeesheen ka soo saareen War-murtiyeed xambaarsan go’aammo toddoba qodob ka kooban iyo Baaq.

Waxay Xubnahan Isbahaysiga Burburinta doorashada Federaalka Soomaaliya Bayaanka ay Muqdisho ka soo saareen ku socodsiiyeen Madaxweynaha Federaalka, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran, Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya iyo Dalalka Saaxiibbada la ah Soomaaliya. Waxaanay Qoraalkaas oo Warbaahinta Muqdisho loogu qaybiyey ayaa lagu sheegay kulammada maalmahan u socday Xubnahan oo ay ugu sarreeyaan Raysal-wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdikariin Xaaji Camay in lagaga wada-tashaday Qoondada Saamiga Kuraasta Aqalka Sare ee Soomaaliya laga siiyey Somaliland, taasoo ay sheegeen inay u dhacday cadaalad-darro aanay marnaba aqbalayn inay Beelaha Somaliland u qaadaan wax ka yar saddex-meeloodoow laba meelood tirada guud ee xubnaha Aqalka sare ka koobnaan doono, iyaga oo ku doodaya isbahaysigii 1960-kii dhex-maray labadii dhinac ee Talyaaniga iyo Ingiriiska xornimada ka qaatay ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Haddaba, Qoraalka ay soo saareen Xubnahan ay dhaq-dhaqaajiyeen Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Xildhibaanno Baarlamaanka Puntland ka tirsan ee Muqdisho u tegeen fadqalallaynta hannaanka doorashada Soomaaliya, sida ay tibaaxeen Xogo uu Wargeyska Ogaal xalay ka helay Muqdisho, waxa uu isagoo dhammaystiran u dhignaa sidan:-

“Iyadoo la daba-joogo cadaalad-darradii iyo cabashadii ka soo taagnayd Qoondada Kuraasta Aqalka sare ee gobollada Waqooyi (Somaliland) oo aan xal kamadambays ah laga gaadhin illaa hadda iyo go’aammadii taxanaha ahaa ee Madaxda Madasha Qaran ee Qoondada Aqalka Sare ku aaddanaa. Waxaa arrinkan u yimi magaalo-madaxda dalka ee Muqdisho Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdillaahi Cumar (Camay), Kulammo iyo wada-tashi dheer oo ay wada-yeesheen; Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka iyo Wax-garadka kale ee ka soo jeeda dhammaan Beelaha Waqooyi waxay si qoto-dheer uga wadahadleen Saami-qaybsiga Kuraasta Aqalka Sare, waxaana la is-tusay ama la is-xasuusiyey:

1- In dawladnimad Soomaaliya ku dhisantay israacii labadii qaybood ee Soomaaliya (Soomaaliya iyo Soomaaliland) ee 1960-kii ku midoobey Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo niyadsami ay ku doonayeen midow ku qotoma caddaalad iyo istixgelin, hase-yeeshee, nasiib-darro ay isla 1960-kii tisadeen cadaalad-xumo iyo in aan dawladdii Midnimada Qaran laga siin Saamigii Siyaasadeed ee ay xaqa u lahaayeen. Cadaalad-darraadaas oo noqotay mid taariikhi ah, waxay aakhirkii keentay in inta badan Beelihii iyo Shacabkii gobolladii Waqooyi-Somaliland ku dhawaaqaan in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

2- Markii lays tusay in ay masuuliyad-darro noqonayso in maanta oo la dhisayo Aqal sare oo cusub in haddana la dayaco Xuquuqda iyo Saamiga Siyaasadeed ee ay xaqa u leeyihiin deegaannada Somaliland, taasi oo sii fogeyn karta dedaalkii loogu jiray Midnimada iyo wada-jirka Ummadda Soomaaliyeed.

3-  Markii laysla xaqiijiyey in gogoshii lagu qaybiyey Kuraasta Aqalka sare aanay jirin cid u matalaysey gobollada Waqooyi-Somaliland, sida wax loo qaybiyayna aanay cadaalad ahayn, kuna filnayan Bulshada deegaannada Somaliland xitaa haddii laysku daro saddexda Kursi ee Puntland u astaysey gobollada Sool, Sanaag-Bari iyo 11-ka Kursi ee markii hore qorey Somaliland. Hase-ahaatee, go’aankii u dambeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanku ku soo saaray inay leeyihiin gobollada Waqooyi ee aan Xubno hore uga helin Saamiqaybsiga Aqalka sare.

4-  Markii laysla arkay in dhammaan Beelaha dega gobollada Waqooyi-Somaliland qabaan tabasho isku mid ah, layskuna raacay inay masuuliyad wadareed tahay in si wada-jir ah loo difaaco Xuquuqdooda Masiiriga ah ee metelaadda Siyaasadeed, waxa laysla qaatay;

5-  In Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee Somaliland gudo iyo debadba isu-taagaan dib u soo celinta iyo adkeynta midnimada iyo wada-jirka Soomaaliyeed oo ku dhisan cadaalad, istixgelin iyo wax wadahalaansho.

6- In haddii Madaxda Madasha Qaran ku sii adkeystaan mawqifkooda oo aan la tixgelin tabashooyinka ka imanaya Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka gobolladii Waqooyi ay helis gelin karto Midnimada iyo Qarannimadda dalka Soomaaliya.

7- Ugu dambeyna, waxaa laysku raacay in Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Waqooyi-Somaliland aanay ku qanci karin saami ka hooseeya midkii lagu aasaasay Midnimada Soomaaliya oo ay markaas-ba Saluug ka qabeen. Sidaa darteed, waxa la go’aansaday inaan loo qaadin wax ka yar saddex meelood meel ahaan (1/3 ama 33 %) tiro kasta oo ay noqdaan Xubnaha Aqalka Sare.

Baaq: Wakiiladda Shacabka gobollada Waqooyi ee Soomaaliya waxay ugu baaqayaan Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya, Madaxweynaha iyo Xukuumaddii 2016-2020-ka in ay xil wayn iska saaraan oo mudnaanta (priority one) ee dawladda laga dhigo dardargelinta wadahadalad ka dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidii si degdeg ah dib loogu soo celin lahaa Midnimadda Soomaaliyeed oo ku dhisan cadaalad, istixgelin iyo awood-wadaag labadii gobo lee heshiiyey 1956-kii kuna midoobey Jamhuuriyaddii Soomaaliya 1960-kii.”

Magacyada iyo Masuuliyadda Saxeexayaasha go’aankani; waa kuwan hoos ku qoran;

  • Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, 2- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar, 3- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), 4- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Cali Axmed Jaamac Jangeli, 5- Wasiirka Dekedaha Nuur Faarax Xirsi, 6- Wasiirka Cadaaladda Cabdillaahi Axmed Jaamac, 7- Wasiiru-dawlaha Gaadhaandhigga Maxamed Cali Xagaa, 8- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha Jaamac Xasan Ismaaciil, 9- Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland Cabdi Maxamed Cismaan, 10- Xildhibaan Cilmi Maxamuud Nuur, 11- Xildhibaan Puntland Saadiq Abshir Garaad.

Xigasho Wargeyska Ogaal

Comments are closed