Isagoo Yar ayuu Nin Dhegoole ah Lacag ka Firdhiyey amase Ka Tuuray Kadib Jinkii Dhegoolaha Ku Jiray ayaa Galay & Nolosha Mudo 11 Sanno ah Siday Ku ahayd DAAWO
Boosaaso 27. February 2017 (SDN/QJ):- Dhibaatooyinka Jinku gaysto Waa Kuwo Tiro badan,Wiilkan Yari Waxa uu ku noolaa Magaaladda Hargaysa Wakhti haatan laga Joogo ilaa 11 Sanno ka hor ayuu Nin Dhego la’a ama Dhegoole ah Lacag uu haystay ka Firdhiyay Isagoo Ku Ciyaaraya hasa yeeshee waxaa ninkaas Dhegoolaha ahaa ku lamaanaa Jin Waxay ku Soo Wareegeen Wiilkan Yar.
Wuxuu Muddada Tobanka Sanno Kor u dhaaftay Ku Jiray Nolol Waali ah,Dhakhaatiirtii loo geeyay si ay u dabiibaan waxay ku Sheegeen in Laba Xiddid oo Madaxiisa ku yaalaa ay is taabanayaan taasina ay keenayso Xanuunka Waalida ee uu Wehelka la ahaa.
Hasa Yeeshee Todobaadkan ayuu Ilaahay Dib ugu Soo Celiyey Caafimaadkii ka Maqnaa 11 Sanno Kadib Markii la Geeyay Magaaladda Boosaaso oo uu degan yahay Sheekh Caan ku ah Jin ka saarista iyo Waxyaabaha kale ee Isha bani aadamku keento Isagoo Daawaynta Bukaanada loo geeyo u raaca Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.
Ilaa Daawo Sheekadda 11 Sanno ee Waalida ah Wiilkan yar baday & Sida uu aakhirkii Eebbe Caafimaadkiisii ugu soo Celiyey.