|

Is Reeb-Reebkii Qaaradda Afrika ee Koobka Kubadda Cagta ee Aduunka Qaarna Ay Rajo Leeyihiin Kuna Ay Ka Huleeleen.By Jaahuur

article-1242374-07D2DE9C000005DC-354_468x300 article-1242374-07D2DE9C000005DC-354_468x300Afrika-Sep-09                       -2013-qurbejoog.com-Asxaabtay faaqidaadeena ciyaraha waxaynu maanta ula qaxaynaa xagaa iyo qaaradda Afrika uu ka socdo is reeb-reebka koobka kubadda cagta ee Aduunka ee ka dhici doona dalka Brazil 2014.

Haddaba xulka qaranka ee Masar ayaa ugu cad-cad wadamada Afrrika u matali doona walow ay la walbahaarsanyihiin siyaasad xumo,iyo mudaharayaado aan kala joosi lahayn.

Akhyaartay bal aynu eegno ciyaarihii maanta la ciyaarey iyo sida loo kala badiyey.lka Burkina Faso.

Angola 4-1 Liberia, waxaa lagu ciyaray Angola.

South Africa 4-1 Botswana, waxay ka dhacday magaalada Durban ee South Africa.

Nigeria 2-0 Mali, waxaa lagu ciyaaray Nigeria.

Central Africa Republic1-2 Ethiopia, waxay ka dhacday dalka Congo.

Kooxda Ghana durbadiiba way soo baxday kaddib markii ay 2-1 kaga badisay Zambia.

Waxaa hore u soo baxay kooxaha: Algeria, Masar iyo Ivory Coast. Waxaana la doonayaa lix kooxood oo kale inay soo baxaan.

Tobankaas kooxood ayaa wada ciyaari doona si ay uga soo baxaan kooxaha Afrika uga qayb geli doonaa tartanka koobka kubadda cagta adduunka ee sanadka dambe 2014 lagu qaban doono dalka Brazil.

W/qorey Jaahuur

qurbejoog.com

jjaahuur@hotmail.com

Comments are closed