Is-rasaaseyn ku dhex martay Magaalada Beledweyn ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab
Beledweyn 25.March 2014 (SDN)- Is-rasaaseyn u dhaxeysay ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa habeenkii Isniinta ka dhacday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Is-rasaaseynta ayaa timid markii maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay rasaas ku furtay saldhig ciidamada dowladdu ku leeyihiin duleedka magaalada, sida uu sheegay taliyaha saldhigga booliska degmada Beledweyne, Kornayl Cali Cabdi Mahad-Alle.
Taliyaha ayaa tilmaamay in rasaastu ahayd arbushaad socotay daqiiqado kooban oo aan geysan khasaare, ayna iska caabbiyeen ciidamadu.
Dhinaca kale, sarkaalka ayaa sheegay in howlgal lagu adkaynayo amniga oo ay ka qeyb-qaadanayaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM uu saaka ka billowday xaafado ka tirsan daanta Galbeed ee magaalada Beledweyne.
Taliyaha saldhigga Beledweyne ma sheegin cid lagu qabtay howlgalka, wuxuuse sheegay in dib laga shaacin doono natiijadiisa.
Beledweyn SDN.
Qurbejoog.com