|

Is-bedelkii jawiga ee Shirka KULMIYE + Hanjabaadii Jaamac + Cataabkii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo xilka xayuubintii xooga ahayd(DHEGEYSO)

Hargeysa, 15, April 2012 (SDN)- Guddoomiyihii 1aad ee Xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa xilkii uu ka hayay xisbigaas xooga lagaga tuuray, ka dib markii qoraal uu ku saxeexan Muuse Biixi laga hor akhriyay Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga oo maalintii lagu soo gunaanaday Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha dhexe Jaamac Shabeel oo guddoominayay shirka ayaa qoraalka uu Muuse Biixi ku codsanayo in xilka laga xayuubiyo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir u akhriyay shirka, isla markaana waxa loo diiday inuu Cabdiraxmaan ka jawaabay waxyaabaha loo cuskaday xilka qaadistiisa.

Waxa isla markiiba buuq galay habsami u socodkii shirka, iyadoo ciidamada ammaankuna ku xoomay Guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga.

Ugu dambayntiina waxay ciidamada ammaanku xoog kaga saareen xarunta shirku ka socday Guddoomiye ku-xigeenkii 1aad ee Xisbiga KULMIYE, iyadoo ay Golaha dhexena cod u qaadeen in xilka laga qaado, isla markaana waxa xilkii loo doortay inuu qabtay Maxamed Kaahin Axmed oo hore u ahaa Afhayeenka Xisbiga, guddoomiye ku-xigeenka 2aad-na waxa loo doortay Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo).

HALKAN KA DHAGEYSO, Jaamac Shabeel oo akhriyaya qoraalka xil-ka xayuubinta Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo aad uga cataabay qaabka loola dhaqmay.

[mp3player config=fmp_jw_widget_config.xml file=http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Cabdi.mp3]

Comments are closed