‘’Agtayda Qiimo Kama Laha Is bahaysi, Is Gaashaanbuuraysi Iyo Xulafaysi Reereeed oo Ka Horjeeda Reero Kale oo wiiqaya….’’ Aqoonyahan Maxamed Baashe oo ka Gubtay Qaab loo Fasiray Hadal uu Yidhi
Hargaysa 02. December 2016 (SDN/QJ):- Aqoonyahan Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo kamid ah indheer garadka iyo weriyayaasha ugu caansan wakhti-xaadirkan geyiga Somaliland, ayaa sharraxaad dheeri ah ka bixiyey buuqa iyo sawaxanka siyaasadeed eek a dhashay shirkii uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo kaga qaybgalay magaalada Burco,Iyo Qormo uu si Kooban ugaga hadlay Is Xulufaysigaa oo Keentay Ladh Cusub.
Aqoonyahanka oo qoraal dheer oo uu arrintanka ku hogo-tusaalaynayo soo dhigay barta uu ku leeyahay Face-boogga, ayaa waxa uu sharraxaadiisa u dhigay sidatan soo socota:
Qof kastaa xaq buu u leeyahay inuu ra’yigiisa cabbiro illaa fogaan aan xaddidnayn mar haddaanu cid kale ku gefayn ama waxyeello u gaysanayn.
Cuqdad iyo naxli dadka qaar uurkooda jiifa ayaa igu soo butaacey. Waxa intaas raacay aflagaaddooyin aan xaq la iigu lahayn oo wada muhmal ah, qaar badanina ka hooseeyaan halka aynu suunka ka xidhanno.
Wasiir Samsam, Samaale ama Siilaanyo haddii ay shir qabaa”il ka qayb galeen ama cod iyo taageero la is waydiistey, oo is xulafaysi la soo qaaday, anigu ma odhan waa sax iyo waa khalad midkoodna, ee waxa aan sheegay uun in in is gaashaanbuuraysigu yahay danci nooleyaashu wadaagaan, kaas oo samaan iyo xumaanba yeelan kara.
Waxa ila qummanayd in doodda halkaas laga bilaabo oo aan laga ursan halka dad badan xanuunaysa ee damqanaysa oo keliya.
Anigu shirkaas ma joogin, wixii lagaga hadlayna weli kama bogannin, hase yeeshee waxa aan la kulmay uun dabaylo iyo buuq ka hadlaya isla sheekadaas oo halkan facebook la isku baacsanayo, dabadeedna waxa igu soo dhacay ladhkan qaylodhaanta keenay.
Kama aanan hadlin ladhku ma tognaan karaa iyo ma tabnaan karaa midkoodna, hase yeeshee waxaa aan tibaax ka bixiyey dhabnimada jiritaan ee is xulafaysiga noolayaasha, taas oo aan ila habboonayn in looga gubto sida looga gubtey ee dadka qaar ku wabax-taraareen, una baahnayd in wax uun la iska waydiiyo oo laga doodo si asluub iyo anshax leh, waxna u dhimayn sharaftida qofka iyo xorriyaadkiisa qofnimo.
Abidkay ma taageerin is bahaysi iyo is xulafaysi qabyaaladeed iyo is urursi reero duullaan ku ah reero kale.
SNM waxa aan ka taagnaa docdii midnimada iyo isku haynta ummadda.
Dagaalladii sokeeyaha waxa aan ka taagnaa dhankii deminta xasaradda iyo isku soo dhowaynta dadka ee walaaltinnimo.
Yagleelkii Somaliland iyo horumarkeeda mar kasta waxa aan ka taagnaa dhanka togan ee wax-ku-oolka.
Maanta oo aan Hargeysa ku noolahay oo aan mas’uul ka ahay meel ay tahay in aan dadka u dhexeeyana xilliga aan hawl-qabadyadayda jiro, waxa aan fogaan isku mid ah u jiraa reerkayaga iyo reeraha kale, cidda aan laabta kala jiro ee aan taageerayo siyaasad ahaan iyo cidda aanan la jirin siyaasad ahaan.
Waxa i xukuma oo la igu la xisaabtamayaa keliya falka iyo falaadyada ka dhasha ee ka soo baxa hawl-qabadyadayda mihnadeed.
La igu ma qiimayn karo reerkayga iyo cidda ay taageeradaydu u janjeedho, waayo reerkana Allaa iga dhaliyey, taageeradayda ciddii aan doonana xaq baan u leeyahay oo la iga ma xayuubin karo.
Halka iigu hoosayso ee aan cuskan karo, waxna ka dooni karaa waa Somaliland, waan se aqoonsanahay in merl ka sarraysaa jirto, sinaba se uma aqoonsani meel ka hoosaysa.
Sidaas awgeed, agtayda qiimo kama laha is bahaysi, is gaashaanbuuraysi iyo xulafaysi reereeed oo ka horjeeda reero kale oo wiiqaya qaayo-soorradayda waaweyn ee aan weligayba aaminsanaa, haddana aan la noolahay.
Ceebna ma aha haddii aan u dhowaado ciddii iila muuqata in ay ugu dhow dahay danta ummadmimo iyo baylah-tirkeeda gudunta iyo hangoolka loo hayda ah.
“Ma didee Hargoolow
Haygu dumin durbaannada
Iyo daasadaha madhan!!”
“Ninka dureyga qaba’ow
Dadka kale ha qaadsiiin!”