|

Iran:Mareykanku been ayuu ka sheegay Barnaamijka Nuclearka ee dalkeena

Tehran Jan 24,2014(SDN)-Wasiirka arrimaha dibedda eedalka Iran Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in madaxda dalka Mareykanka ay been cad ka sheegeen heshiis laga gaaray hubka Nuclearka ee dalkooda iyo reer Galbeedka.

Wasiirku waxa uu sheegay in dalkiisu aanu meela ku sexeexin in ay burburinayaan wershedahooda Hubka Nuclearka ama ay ku furfurayaan.

“Aqalka cadi dhawr jeer ayay ku celceliyeen in Iran ogolaatay in ay burburinayaan wershahada ku shaqeeya tamarta Nuclearka iyo wax la mida,mana jirto meel heshiis noocaas ah aanu ku gaaray”ayuu yiri wasiirku.

Hogaamiyeyaasha labada dal ayaa waxa soo wejahay caqabado la xiriira heshiiskan todobaadkan uun dhaqan gelaya oo tibaaxaya hakinta koboca ama teyeynta quwada Nuclearka Iran.

SDN-Tehran
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed